Home Wararka Caalamka Tirada maxaabiista reer Israel ee illaa iyo hadda ay Xamaas sii deysay

Tirada maxaabiista reer Israel ee illaa iyo hadda ay Xamaas sii deysay

by Laacib

Xoogaga Xamaas ayaa 5-tii habeen ee ugu dambeysay waday inay sii daayaan xubno ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Ka dib heshiiskii toddobaadkii hore ay gaareen Xamaas iyo Israel, Ururka Xamaas ayaa Gaza ka sii daayay 60 ka mid ah la haysteyaasha reer Israel.

Xalay oo ugu dambeysay Xamaas ayaa sii deysay 10 xubnood oo la haysteyaal ah, iyadoona caawa la fillayo in 10 kale ay sii daayaan.

Israel ayaa xalay dhankeeda sii deysay 30 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda. Tani ayaa wadarta guud ee maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii daayay ka dhigeysa 180 xubnood.

Xamaas ayaa intii ay xabad joojinta ku-meel-gaarka ah jirtay, waxay sidoo kale sii deysay 21 qof oo ajnabi ah, kuwaa oo intooda badan u dhashay dalka Thailand. Sii deynta maxaabiista ajaaniibta qayb kama ahan heshiiska labada dhinac.

Labada maalmood ee Isniintii lagu kordhiyay heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga Israel iyo Xamaas ayaa caawa ku eg, waxaana socda dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in muddada heshiiska lagu kordhiyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc