Home Wararka Maanta Toogasho ay dad ku dhinteen oo ka dhacday Degmada Galdogob

Toogasho ay dad ku dhinteen oo ka dhacday Degmada Galdogob

by Laacib

Nin hubeysan ayaa siyaabooyin kala duwan afar qof ugu dilay Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu rasaas huwiyay askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Puntland oo ku sugnaa Kastamka Tuur-dibi ee duleedka degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex qof oo kale uu ku dilay gudaha magaalada, ka hor intii uusan isku dayin in goobta uu ka baxsado.

Dadka halkaasi lagu dilay ayaa isugu jira aabe, wiil uu dhalay iyo nin ganacsade ahaa, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamada amniga ay markii dambe toogteen ninkii toogashada gaystay.

Inkastoo Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada Galgodob aysan weli ka hadlin dhacdadaasi ayaa waxaa dhanka kale soo baxaya wararka sheegaya in hay’adaha ammaanka ay ku daba joogaan saddex nin oo kale, oo la tuhunsan yahay in ninkaasi ay la socdeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka dilka gaystay uu ka tirsanaa ciidamada.

Dhacdadan ayaa noqotay tan ay ugu hadalhaynta badan yihiin dadka deegaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc