Home Wararka Caalamka Toogasho ay tiro dad ah ku dhinteen oo ka dhacday dalka Mareykanka

Toogasho ay tiro dad ah ku dhinteen oo ka dhacday dalka Mareykanka

by Laacib

Nin hubeysan ayaa Arbacadii weeraray Dhismaha Jaamacadda Navada ee Magaalada Las Vegas ee dalkaasi Mareykanka.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninkaasi uu toogasho ka gaystay halkaasi, ka hor inta aysan toogasho ku dilin ciidamada amniga.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhinteen toogashada ninkaasi uu ka gaystay jaamacadda, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Boolisku ma faah faahin waxa uu yahay qofka weerarka gaystay, sidoo kalena waxay ka gaabsadeen waxa ay yihiin afarta qof ee goobta lagu toogtay iyo xiriirka ay la leeyihiin jaamacadda.

Sheriff Kevin McMahill oo ka tirsan Waaxda Booliska ee Magaalada Las Vegas oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay xaaladdiisa ka soo reynayso qofka afaraad ee goobta lagu dhaawacay.

Kevin McMahill ayaa sheegay in dhowr qof oo kale ay la kulmeen xaalad argagax ah, intii ay toogashadu socotay, isaga oo intaasi ku daray in tiro ka mid ah askartooda laga daweeyay dhaawacyo fudud oo soo gaaray, intii lagu jiray baaritaan amni xaqiijin ah oo ay ka wadeen dhismaha weyn ee jaamacadda iyo daadgureyn ay u sameynayeen dadkii halkaasi ku xanibnaa.

Kevin McMahill ayaa ciidamada amniga ku ammaanay in ay ka hortaggeen dad fara-badan, oo ay suurtagal ahayd in ninkaasi uu dhibaateeyo.

“Haddii uusan si degdeg ahi uga jawaabi lahayn askari ka tirsan Ciidanka Booliska, waxaa dhici lahayd in dad badan goobtaasi laga qaado.” Ayuu yiri McMahill.

Sarkaalkan ayaa ka gaabsaday sababta ka dambeysa weerarkaasi iyo nooca hubka ee loo adeegsaday weerarka.

Toogashooyinka ceynkani oo kale ah ayaa ku soo noqnoqday dalka Mareykanka, taas oo loo aaneeyo shacabka dalkaasi oo hubka loo ogolyahay in ay haystaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc