Home Wararka Caalamka Toogasho dad ku dhinteen oo ka dhacday dalka New Zealand (SAWIRRO)

Toogasho dad ku dhinteen oo ka dhacday dalka New Zealand (SAWIRRO)

by Laacib

Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, shan kalena ay ku dhaawacmeen toogasho maanta ka dhacday Magaalada Auckland ee dalkaasi New Zealand, saacado uun ka hor ciyaarta lagu furayo tartanka kubadda cagta haweenka adduunka oo magaaladaasi ka furmaya.

Taliyaha Ciidanka Booliska New Zealand, Andrew Coster ayaa sheegay in mid ka mida dadka dhintay uu ahaa ninkii weerarka gaystay, isagoo intaa ku daray in nin askari ahi uu ka mid yahay shanta qof ee weerarka ku dhaawacmay

“Ninka toogasho gaystay weli lama aqoonsan, balse waxaa la rumeyan yahay inuu yahay 24 jir ka shaqeynayay dhismaha goobta ay toogashadu ka dhacday.” Ayuu yiri Taliyaha oo Warbaahinta la hadlayay.

Raysal Wasaaraha New Zealand, Chris Hipkins ayaa sheegay in toogashadu ay u muuqatay mid uu gaystay shakhsi, isla-markaana aanay laamaha amnigu u soo xirin cid kale.

“Ma jirin sabab la aqoonsaday oo siyaasadeed ama fikradeed oo toogashada ah, sidaas darteedna ma jirto khatar amniga qaranka.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo telefishinka dalkaasi ka soo muuqday.

Waxa kaloo uu sheegay in tartanka kubadda cagta uu u socon doono, sidii loogu talagalay ee horaan la qorsheeyay, isla-markaana aanu waxba iska bedelin heerka khatarta ee amniga dalka.

Auckland oo ku taala Waqooyiga New Zealand ayaa soo dhaweysay kumanaan ciyaartoy oo caalami ah iyo dalxiisayaal ka qayb qaadanaya koobka adduunka sagaalaad ee haweenka, kaas oo ay si wadajira u martigelinayaan New Zealand iyo Australia.

Ciyaarta furitaanka ee ka dhaceysa Auckland ayaa waxaa lagu daahfuri doonnaa New Zealand oo la ciyaareysa Norway, halka kulanka labaad oo isla caawa ka dhacaya Magaalada Sydney ee dalkaasi Australia ay ciyaartoyda Australia wajihi doonaan Ireland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc