Home Dhacdooyin Turkiga oo gacanta ku dhigay basaasiintii ugu badnaa ee lala xiriiriyo Sirdoonka Israel

Turkiga oo gacanta ku dhigay basaasiintii ugu badnaa ee lala xiriiriyo Sirdoonka Israel

by Laacib

Ciidamada Turkiga ayaa xabiga u taxaabay tobanaan qof oo looga shakiyay inay u basaasayeen Sirdoonka Israel ee Mossad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xireen 33 qof oo lala xiriiriyay inay xiriir la leeyihiin Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa Talaadadan sheegtay in laamaha ammaanka ay baadigoobayaan 13 qof oo kale, kuwaa oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Mossad.

Anadolu ayaa ku warantay in tuhmanayaasha lagu soo qabqabtay hawlgalo laga sameeyay Magaalada Istanbul iyo toddobo gobol oo kale, iyadoona dadkan loo haysto inay qorsheynayeen in ay dalkaasi ka fuliyaan hawlgalo isugu jira dabagal, baacsi weerar iyo afduub ay u gaysanayaan muwaadiniinta ajnabiga ah ee ku nool Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Ali Yerlikaya ayaa sheegay inaanay aqbali doonin hawlgalo basaasnimo ah, oo laga sameeyo gudaha dalkaasi.

“Marnaba ma ogolaanayno hawlo basaasnimo ah oo lid ku ah midnimada qaranka iyo wadajirka dalkeenna.” Ayuu Wasiirku ku sheegay bartiisa X.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay isku waqti gacanta ku soo dhigeen xubnaha la tuhunsan yahay ee gacmaha kula jiray dembiyada abaabulan, kuwaa oo sida uu sheegay la ogaaday inay si xeeladeysan u abaabulayeen in hawlgaladooda u fuliyaan.

Wasiirka ayaa hoosta ku xariiqay inaanu Turkigu ka waaban doonin in uu ka hortaggo in Sirdoonka Israel ay gudaha dalkooda ku dhibaateeyaan muwaadiniinta ajnabiga ah.

“Dagaalka aan kula jirno ururada dembiyada abaabulan iyo basaasiinta qalqalgeliya nabadda qoysaskeena, wuxuu ku sii socon doonnaa si adag oo go’aan leh.” Ayuu yiri Wasiirka.

Ali Yerlikaya, Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa u hambalyeeyay Hay’adda Sirdoonka Turkiga ee MIT iyo Ciidamada Booliska, oo iska kaashaday hawlgaladaasi.

Ka dib dagaalka wixii ka dambeeyay 7-dii October ka dhex qarxay Ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta, Sirdoonka Israel ayaa ku hanjabay in ay meel kasta oo dunida ka mid ah ku beegsan doonaan Madaxda Ururka Xamaas, gaar ahaan dalalka Qatar, Lubnaan iyo Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Israel uga digay cawaaqib xun, haddii ay isku daydo in falal basaasnimo ay ka fuliso gudaha Turkiga, kuna dhibaateynayso Saraakiisha Xamaas ee Turkiga uu magangelyada siiyay.

Madaxweyne Erdogan ayaa xilligaasi sheegay in Turkigu uu leeyahay mid ka mid ah sirdoonka ugu awoodda badan ee caalamka, Israel-na uu uga digayo inaysan ku kadsoomin.

Turkiga ayaa dib u dejin u sameeyay dhowr ka mid ah masuuliyiinta Xamaas, oo Israel, Mareykanka iyo Midowga Yurub ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso, balse uu Turkigu u tixgeliyo dhaqdhaqaaq u dagaalama xoreynta dadkooda iyo dhulkooda ay Israel xoogga ku haysato.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc