Home Dhacdooyin Turkiga oo gacanta ku dhigay shabakaddii labaad ee lala xiriiriyo Sirdoonka Israel

Turkiga oo gacanta ku dhigay shabakaddii labaad ee lala xiriiriyo Sirdoonka Israel

by Laacib

Laamaha amniga Turkiga ayaa qabqabtay xubno kale oo si dhow loola xiriiriyay Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa Jimcahan sheegtay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen toddobo xubnood, oo ku eedeysan inay Hay’adda Mossad ka iibinayeen macluumaadka dabagalka iyo la socodka bartilmaameedyada ee ku aaddan shakhiyaadka ay baadigoobka ugu jiraan.

“Tuhmanayaasha ayaa lagu soo qabqabtay hawlgalo ay si wadajir ah isaga kaashadeen Ciidamada Booliska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga ee MIT. Hawlgalada ayaa laga sameeyay Magaalooyinka Istanbul iyo Izmir.” Ayay ku warantay Anadolu.

Warbaahinta TRT World ee Turkiga ayaa sheegtay in shakhsiyaadkan ay isku dayeen inay la socdaan oo sawirran bartilmaameedyada, inay dhigaan aaladaha dabagalka iyo inay helaan macluumaadka kale ee Mossad uga baahan tahay dadka la doon doonayo.

Turkiga ayaa 2-dii bishii January shaaciyay in ciidamadiisu ay gacanta ku dhigeen in ka badan 30 qof, oo xilligaasi u basaasaayay Sirdoonka Mossad.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegeysa in Mossad ay dalka Turkiga ka qoratay dad u dhashay Falastiin iyo Suuriya, si ay uga la shaqeeyaan damaceeda ah in ay soo afjarto Saraakiisha Xamaas ee ku nool dalkaasi.

Ka dib markii 7-dii October uu dagaalka dib uga dhex qarxay Israel iyo Falastiiniyiinta, Sirdoonka Israel ayaa ku hanjabay in Madaxda Xamaas ay ku beegsan doonaan meel kasta oo dunida ah, gaar ahaan dalalka Qatar, Lubnaan iyo Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa xilligaasi Israel uga digay cawaaqib xun, haddii ay isku daydo in xubnaha Xamaas ay ku ugaarsato gudaha Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Tel Aviv aysan Turkiga ku dhibaateyn karin Saraakiisha Xamaas ee dalkiisu uu magangelyada siiyay.

Turkiga ayaa dib u dejin u sameeyay dhowr ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee Xamaas, oo Israel, Mareykanka iyo Midowga Yurub ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso, balse uu Turkigu u tixgeliyo dhaqdhaqaaq u dagaalama xoreynta dadkooda iyo dhulkooda ay Israel xoogga ku haysato.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc