Home Wararka Caalamka Turkiga oo Safiirka u jooga Israel ku wargeliyay in dalka ku soo laabto

Turkiga oo Safiirka u jooga Israel ku wargeliyay in dalka ku soo laabto

by Laacib

Dowladda Turkiga ayaa u yeertay Safiirkeeda u fadhiya Israel, si looga falceliyo dhibaatada daran ee Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Turkiga ayaa si kulul u cambaareeyay duulaanka dadka badani ku dhimanayaan ee Israel ka waddo magaalada go’doonsan ee Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in Danjire Sakir Ozkan Torunlar lagu wargeliyay in dib uu dalkiisu ugu soo laabto, iyada oo la eegayo masiibada bani’aadantinimo ee Gaza, taas oo ay sababeen weerarada joogtada ee Militariga Israel ee ka dhanka ah shacabka la go’doomiyay iyo diidmada Israel ee baaqyada caalamiga ah ee xabad joojinta, si loo ballaariyo gargaarka la gaarsiinayo dadka u baahan.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa Jimcihii sheegay in Turkigu uu jaray xiriirkii uu la lahaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

“Netanyahu ma ahan qof aan sii wada hadli karno.” Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo dhanka kale sheegay inaanay tani macnaheedu ahayn in dalkiisu uu jarayo xiriirkii Israel.

Israel ayaa 28-kii bishii hore ee October diblomaasiyiinteeda ku wargelisay in ay isaga soo taggaan dalka Turkiga, ka dib khudbaddii uu Madaxweyne Erdogan ka jeediyay bannaanbixii lagu taageerayay Falastiiniyiinta ee ka dhacay Magaalada Istanbul.

Madaxweynaha ayaa xilligaasi yiri “Waxaan ku celinaya in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso. Israel aad bay uga xumaatay arrintan, Israel waa gumayste.

Israel waxaan kuu caddeynaynaa inaad tahay dembiile dagaal, caalamkana waan u diyaargaroobaynaa, waxaana Israel ugu soo bandhigi doonnaa adduunka inay tahay dembiile dagaal.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc