Home Wararka Caalamka Ukraine oo ka careysiisay Moscow, markii ciidamadeeda ay dileen Wariye u dhashay Ruushka

Ukraine oo ka careysiisay Moscow, markii ciidamadeeda ay dileen Wariye u dhashay Ruushka

by Laacib

Wariyahan ayaa Sabtidii lagu dilay weerar ay Ciidamada Ukraine ka gaysteen Koonfur Bari Gobolka Zaporizhia ee dalkaasi Ukraine, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Ruushka.

Wariyaha oo lagu magacaabi jiray Rostislav Zhuravlev ayaa ahaa Wariyihii Wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA uga soo waramayay furimaha hore ee dagaalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in Wariyaha iyo saddex Saxafi oo kale oo weerarka ku dhaawacmay laga daadgureeyay goobta, balse Wariyuhu uu markii dambe u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkaasi.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ukraine ay weerarka u adeegsadeen bambada wax gumaadda ee Cluster, oo dhawaan uu siiyay Mareykanka.

“Wariyeyaasha kale waxay qabaan dhaawacyo heerar kala duwan leh.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Safiir Kuxigeenka Ruushka ee Qaramada Midoobey, Dmitry Polyansky ayaa sheegay in weerarku uu ka dhigan yahay mid ka tarjumaya, sida Ukraine ay uga soo gudubtay sida uu yiri dhammaanba khadadka cas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa dilka Zhuravlev ku sheegtay dembi fool xun, oo ay si wadajira u soo qorsheeyeen Reer Galbeedka iyo Ukraine.

“Weerarka lagu beegsaday Saxafiyiinta ma ahayn mid si kedis ah u dhacay.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Maria Zakharova ayaa weerarka ku tilmaamtay fal dembiyeed argagixiso oo abaabulan, inkastoo aysan Warbaahinta la wadaagin caddeymo muujinaya in weerarku uu ahaa mid si ula kac ah loo gaystay.

“Kuwa ka masuulka ah aargoosiga naxariis darada ah ee lagu bartilmaameedsaday Wariyaha Ruushka, waxaa hubaal ah inay la kulmi doonaan ciqaabta ay mudan yihiin.” Ayay tiri Maria Zakharova.

Maria Zakharova ayaa sheegtay in masuuliyadda dilka Saxafiga ay sidoo kale leeyihiin kuwa hubkan siiyay Ukraine.

Waxay sheegtay in Saxafiyiinta la beegsaday ay ku howlanaayeen uruurinta warbixin la xiriirta qaraxyo ay Ciidamada Ukraine ka gaysteen gobolkaasi, iyagoo adeegsadanaya bambada Cluster oo laga mamnuucay meelo badan oo dunida ka mid ah.

Wakaaladda Wararka ee RIA ayaa sidoo kale tebisay geerida Wariye Zhuravlev, kaas oo ay sheegtay in lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow deegaanka Piatykhatky oo ka tirsan Degmada Vasylivka ee Gobolka Koonfurta Ukraine ku yaala ee Zaporizhia.

Dowladda Ukraine ayaan weli ka hadlin weerarka la sheegay in ciidamadeeda ay ku bartilmaameedsadeen koox Saxafiyiin ah oo Ruushka u dhashay.

Warbaahinta Galbeedka ayaa sheegeysa in ay jiri doonto jawaab carro leh oo Moscow ka bixin doonto weerarkaasi.

Colaadda Ukraine ayaa u muuqato mid kaga sii dareysa xurgufta Ruushka iyo NATO, xilli ay meel adag mareyso xiisadda labada dhinac.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc