Home Wararka Caalamka Ukraine oo shaacisay in ay heshay hubka la mamnuucay ee Cluster

Ukraine oo shaacisay in ay heshay hubka la mamnuucay ee Cluster

by Laacib

Militariga Ukraine ayaa shaaciyay in uu soo gaaray bambada wax gumaadda ee Cluster, toddobaad ka dib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay in la gaynayo dalkaasi.

Afhayeenka Militariga Ukraine ee Gobolada Koonfureed, Valeriy Shershen ayaa Telefishinka Ukraine u sheegay in hubka uu hadda ku jira gacanta Ciidanka Difaaca.

“Rucubyada bambada Cluster waxay hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Difaaca.” Ayuu yiri Afhayeenka isaga oo aan kala caddeyn qaabka ay ku soo gaareen.

Wasiirka Gaashaandhigga Ukraine, Oleksii Reznikov ayaa maalin ka hor sheegay in Cluster ay wax weyn ka bedeli doonto furimaha hore ee dagaalka, sida uu yiri.

Madaxweyne Joe Biden ayaa 7-dii bishan sheegay in Washington ay go’aansatay in Ukraine ay u daabusho bambada firidha ee kol hore dunida laga mamnuucay.

Illaa 120 dowladeed ayaa saxiixay heshiiska dunida looga joojinayo isticmaalka bambada laba qaraxda, taas oo ay si weyn u soo dhaweeyeen Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Xuquuqul Insaanka.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa ka horyimid warka uu Mareykanku ku sheegayay in bambada lagu siinayo Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka. Hay’adaha ayaa ku dooday in bambadu ay halis ku tahay dadka rayidka.

Sidoo kale dowlado ay ku jiraan kuwa Gaashaanbuurta NATO ayaa qaadacay go’aanka Mareykanka uu bamkaasi ugu rarayo Ukraine.

Bamka Cluster ayaa waxa uu mid kasta ka kooban yahay boqolaal walxaha qarxa oo yaryar oo ku faafa goobaha la bartilmaameedsado, inkastoo walxahaasi aanay dhammaantood wada qarxin, iyadoo kuwooda aan qarxin ay muddo dheer ku sii jiri karaan dhulka, waana taas khatarta weyn ee laga digayo ee ka dhanka ah rayidka, gaar ahaan carruurta.

Mareykanka, Ruushka iyo Ukraine ayaan ka mid ahayn dowladaha saxiixay in hubkani halista badan dunida laga mamnuuco.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc