Home Wararka Maanta Ukraine oo sheegtay in Al Shabaab ay afduub u haysato afar ka mid ah muwaadiniinteeda

Ukraine oo sheegtay in Al Shabaab ay afduub u haysato afar ka mid ah muwaadiniinteeda

by Laacib

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay fileyso in afar ka mid ah muwaadiniinteeda ay u gacan galeen maleeshiyada Al Shabaab.

Dadkan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen sagaal qof oo la socday diyaarad helicopter ahayd, oo Arbacadii si kedis ah ugu degtay duleedka deegaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay cilad ku timid.

Diyaaradda oo ka ambabaxday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sahay dawo ah u siday Degmada Wisil ee Gobolka Mudug.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa sheegtay in muwaadiniinteeda ay ka mid ahaayeen shaqaalihii la socday diyaaradda u kireysneyd Qaramada Midoobey.

Oleh Nikolenko oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa sheegay in la aqoonsaday muwaadiniinta reer Ukraine ee maqan, isla-markaana ay ka tirsanaayeen Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Somaliya.

“Muwaadiniintayadu waxay ka mid ahaayeen shaqaalihii la socday diyaaradda helicopter-ka ee Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Somaliya.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Ukraine ayaa qandaraas ka haysatay Qaramada Midoobey, iyadoona fulin jirtay howlaha gaadiidka ee xagga cirka.

Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha kale ee la socday diyaaradda ay u dhasheen dalalka Somaliya, Masar iyo Uganda.

Muwaadin Masaari ah ayaa la sheegay in la toogtay, xilli ay shaqaalaha isku dayayeen in ay goobta ka baxsadaan, iyadoona laba qof oo midkood uu ahaa duuliyihii diyaaradda ay u suurtagashay in ay baxsadaan, mana cadda halka ay ku dambeeyeen.

Dowladda Somaliya ayaa Khamiistii sheegtay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu soo samatabixiyo shaqaalaha.

Qaramada Midoobey ayaa mar sii horreysay sheegtay in dhammaan duulimaadyadii Xafiiska UNSOM ee aaggaasi la hakiyay, illaa amar dambe.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa loo maleynaya in shaqaalaha qaarkood ay ula dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Ceelbuur.

Shabaabka ayaan illaa iyo hadda ka hadlin xubnaha gacantooda ku jira iyo waxa ay ka damacsan yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc