Home Wararka Maanta Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday Magaalada London

Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday Magaalada London

by Laacib

Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa ku geeriyooday Magaalada London ee dalkaasi Ingiriiska.

Fannaanka oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi ayaa u geeriyooday xanuun si degdeg ah ugu soo booday, sida ay eheladiisa u xaqiijiyeen Universaltv.

Marxuumka ayaa lagu tilmaamaa mid ka mida aasaasayaasha iyo udub-dhexaadka bahda fanka ee geyiga Soomaalida, isagoona ahaa fannaan, abwaan iyo laxamiiste.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid hobolka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo door weyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, bahda fanka iyo ummadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Ustaad Axmed Naaji Sacad.

Ustaad Axmed Naaji ayaa taariikh mug leh ku lahaa masraxa fanka iyo suugaanta Soomaalida.

Allaha u naxariistee Axmed Naaji ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku noollaa Magaalada London.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc