Home Wararka Maanta Villa Somalia oo wax ka bedeshay qorshaha wejiga labaad ee hawlgalka

Villa Somalia oo wax ka bedeshay qorshaha wejiga labaad ee hawlgalka

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya in ay wax ka bedeshay qorshihii horaan la dejiyay ee lagu waday in ay ku hawlgalaan ciidamada ka qayb qaadanaya wejiga labaad ee hawlgalka.

Qorshaha ayaa markii hore ahaa in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay mar qura maleeshiyada Al Shabaab dagaal kaga furaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha, qorshahaas oo hadda la sheegayo in la bedelay.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dejiyay in marka koowaad maleeshiyadaasi laga sifeeyo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, marka xigtana ay ciidamadu hawlgalka ka bilaabaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyadoo ay markaasi ka qayb qaadanayaan ciidamada ka socda dalalka deriska amaba safka hore.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doortay in hawlgalka xooggiisa laga sameeyo Bariga Gobolka Galgaduud, bacdamaa ay Shabaabku ka maamulaan Magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaano kale oo ay ka mid yihiin Wabxo iyo Cowsweyne oo ka mid ah deegaanada ay Shabaabku ka ilaaliyaan Ceelbuur. Madaxweynaha ayaa la sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu faray in marka magaalooyinkaasi la qabto la raaciyo dhulka ay maleeshiyadu ka haysato Koonfurta Gobolka Mudug.

Gulufka lagu xoreynayo deegaanada Galmudug ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaadanaya xoogag deegaanka ah oo ay ku jiraan Xertii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, kuwaa oo shalay galab lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Guriceel. Waxaa jirta xer kale oo kuwa Ahlu Sunna ah oo sidoo kale lagu diyaariyay Degmada Wisil, waxaana loo abaabulay oo loo diyaariyay in ay ka qayb qaataan hawlgalka lagu qabanayo Koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in hawlgalkan uu barbar socon midka kale oo Shabaabka looga saarayo Galbeedka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Hawlgalka oo aad mooddo in uu durbaba ka bilowday bartamaha dalka ayaa waxay ciidamadu ka wadaan xadka Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe. Hawlgalka waxaa la sheegay in Sabtidii ay ku biireen ciidan ka tirsan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dhawaan dalka lagu soo celiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay in uu deggi doono, isagoona kala soconaya hawlgalka lagu doonayo in lagu soo afjarayo waayihii Al Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la aaminsan yahay in Galmudug iyo Hirshabelle uu u doortay dadka degan oo diyaar u ah in ay iska dulqaadaan mintidiinta Al Shabaab, taasina ay hadhow dhiirigelin u noqon doono dadka Gobolada Koonfureed.

Marka aad milicsato sida ay wax u socdaan ayaa waxaa kuu baxaya in wejiga labaad ee hawlgalku uu ka cuslaan doono midkii hore, oo Shabaab lagaga saaray dhul ballaaran oo ay ka haysteen Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa horaan ku dhawaaqay in dowladdiisu ay muddo kooban dalka kaga suulin doonto kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc