Home Wararka Caalamka Volker Türk oo sheegay in Ciidamada Israel ay dembiyo dagaal ka gaysanayaan Gaza

Volker Türk oo sheegay in Ciidamada Israel ay dembiyo dagaal ka gaysanayaan Gaza

by Laacib

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay dembiyo dagaal ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay burburin ballaaran ka wadaan Gaza, isagoona sheegay in burburinta dhismayaasha la degan yahay iyo kaabeyaasha rayidka ay u dhigmaan dembi dagaal.

Waxa uu sheegay in Militariga Israel ay burburiyeen dhammaanba dhismayaashii ku yiilay meel qiyaastii 1km u jirta xeendaabka u dhaxeeya Gaza iyo Israel, iyada oo ay tahay in la sameeyo aag kayd ama ammaan ah.

Waxa kaloo uu Israel ku eedeeyay in ay aag ammaan ah ka sameysay gudaha Gaza, xilli aanay jirin khatar dhab ah oo amni.

“Ujeeddooyinka ah in la sameeyo aag kayd ah waa mamnuuc, sida uu dhigayo Axdiga Afaraad ee Geneva.” Ayuu yiri Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey.

“Burburinta la sameeyay, si loo abuuro aagga kaydka ee ujeeddooyinka amniga guud uma muuqdaan kuwo la jaanqaadaya howlaha militariga ee ciriiriga ah ah ee lagu qeexay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Volker Türk.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Intaa waxaa dheer burburin ballaaran oo hanti ah oo aan lagu caddeyn baahida militari oo loo fuliyay si sharci darro ah oo aan macquul ahayn, waxay la mid tahay jebinta weyn ee Axdiga Afaraad ee Geneva iyo dembi dagaal.”

Volker Türk ayaa xusay in hawlgalada aan caadiga ahayn ee Israel ka waddo Gaza ay liddi ku yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, isagoo ciidamadeeda ku eedeeyay in tan iyo bishii October ay si weyn u burburiyeen dhismayaal fara-badan.

“Waxaan ku adkaynaya Maamulka Israel in Qodobka 53aad ee Axdiga Afaraad ee Geneva uu mamnuucayo burburinta awood la wareegidda hantida ay leeyihiin dad gaar ah.” Ayuu yiri Türk.

Türk ayaa intaasi ku daray in xafiiskiisu uu diiwaangeliyay dhismayaal fara-badan oo si sharci darro ah ay u burburiyeen Ciidamada Israel iyo dembiyo dagaal ay ka gayteen Marinka Gaza.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu militariga ku amray inay isku diyaariyaan hawlgalka dhulka ee sida uu sheegay laga sameynayo deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Gaza.

Netanyahu ayaa amarkan bixiyay, xilli Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres uu ka digay in Ciidamada Israel ay weerar dhulka ah ka bilaabaan Rafah.

António Guterres ayaa sheegay in tani ay sii kordhin doonto xaaladdii adkeyd ee bani’aadantinimo ee markii horeba ka jirtay deegaanka ku yaala xadka Gaza iyo Masar.

Militariga Israel ayaa lagu eedeeyay in ay kordhiyeen weerarada xagga cirka ah ee ay ka sameynayaan Rafah, oo muddooyinkii ugu dambeysay ay isugu taggeen kala bar dadka reer Gaza, si ay uga baxsadaan duqaymaha baahsan ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Duqaymaha joogtada ah ee Israel ka waddo Gaza iyo go’doominta muddada dheer ay ku hayso ayaa xoojisay dhibaatada bani’aadantinimo ee ay wajahayaan dadka rayidka ah.

“Xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah waa mid aad u daran. Ma haystaan waxyaabaha aasaasiga u ah si ay u noolaadaan, oo ay la socdaan gaajo, cudur iyo dhimasho.” Ayuu yiri Martin Griffiths, Madaxa Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada.

Colaadda Gaza ayaa Bariga Dhexe ka abuurtay rabshado badan oo lagaga soo horjeedo duulaanka Israel ee Gaza, iyadoo kooxaha ay Iran taageerto ay gobolka ka sameynayaan weeraro ka dhan ah Israel iyo xulafada Mareykanka, si garab istaag loogu muujiyo shacabka Falastiiniyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc