Home Dhacdooyin Waare oo ka hadlay sababta uu u xusul-daaray Wasiirka Gaashaandhigga

Waare oo ka hadlay sababta uu u xusul-daaray Wasiirka Gaashaandhigga

by Laacib

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa ka xog waramay sababta uu dhowr cisho ka hor u xusul-daaray Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa Jimcihii ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inaanu wafdigiisii tegay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ku soo darin Wasiirka, haddii kalena aysan wax wanaagsan dhici doonin.

Maxamed Cabdi Waare oo ah Ergayga Gaarka ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka u qaabilsan xasillinta & ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaalada ayaa hadda sheegaya in Wasiirku uu ku haysto oo keliya in uu ku ekaado shaqada wasaaradda, isla-markaana uu faraha kala baxo arrimaha ciidanka.

“Maxaan ku maagay Wasiirka? Kow Wasiirka waa Wasaaradda Gaashaandhigga, Somaliya qudheedana waxaa uu jahwareer ka jiraa militariga dareyska qaba iyo Siyaasiyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga xiriirka ka dhaxeeya, macnaha sida ay u wada shaqeynayaan. Waxaa la rabaa Wasiirku inuu ku ekaado dejinta siyaasadda difaaca, la xiriiridda beesha caalamka, yabooh u raadinta dagaalka, la xiriiridda wasaaradaha kale ee Amniga iyo Arrimaha Gudaha, wixii siyaasad ah waaye shaqadiisa.” Ayuu yiri Ergayga.

Waxa kaloo uu yiri “Wasiirku wuxuu bilaabay, welibana uu wadaa inuu kala sarreyntii ciidanka inta uu xagga iska dhigo inuu la hadlo Taliyeyaal Guuto iyo Taliyeyaal Urur, Wasiirku wuxuu sameynaya Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka amaruu bixiyay inuu yiraahdo beentiisa waaye, Wasiirku wuxuu sameynaya Madaxweynaha inuu been fartiino (ka been sheego) oo uu yiraahdo Madaxweynahaa saas yiri oo amarkiisa waaye. Wasiirku amaro uu baxshay iyo amaro baxay oo inuu joojiyo ay ahayd, xog khaldan oo Madaxweynaha uu siiyay iyo Madaxweynaha oo uu ka been sheegay ayaa Xasan Tuure iyo Ciidankii Danab ay Galcad ugu baaba’een.”

Maxamed Cabdi Waare oo lagu wareystay Channel-ka Youtube ee Hanoolaato ayaa yiri “Taliyeyaashii aqoonta lahaa oo jooga ayaa inta lala hadlaa waxaa la leeyahay saas iyo saas hala yeelo, Taliyeyaashii Militariga oo qaylinaya oo dhahayo war meeshaan ciidan lama dejin karo, war ciidanka saf ballaaran ha u socdo, war ciidanka ha is garabsado ayaa ciidankii Cowsweyne la dejiyay. Sababta Wasiirka ula dagaalamayay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha cusubna uu ula dagaalamayo, maxay yihiin waxa uu isagu wato?”

Waxa uu sheegay in muddo 20 cisho uu soo joogay Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana uu hayo xog sheegeysa in Wasiirku uu lacago u qaybiyay Taliyeyaal ciidan oo ku sugan furimaha dagaalka, isagoona su’aal geliyay halka Wasiirku uu lacagtaasi ka keenay iyo ujeedada uu ka leeyahay.

“Aniga 20 maalmoodaa soo joogay Dhuusamareeb, waxaan hayaa xog Wasiirku inuu ururo iyo guutooyin jooga furinta Taliyeyaashooda lacag u qaybinayo, labaatan kun oo dollar, shan kun iyo lix kun, ujeedada uu ka leeyahay maxay tahay Wasiirku, intuuse ka keenay lacagtan, ajandaha uu wataana maxay yihiin?” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Waxay ku dhammaatay Taliyihii Nabad Sugidda iyo Gudoomiyihii Maxkamadda Ciidamada Militariga xog uu isagu bixiyay iyo amar uu bixiyay inay halis daqiiqado ah u galeen naftooda in la wayo.”

Waare ayaa intaasi ku daray “Sidaasi daraadeed aniga maka aamusi karo. Lacagaa la qaatay iyo waxbaa la musuq-maasuqay waxaas waxba igama gelin, ileen nafaa lagu qamaaraya.”

Mar wax laga weydiiyay waxa ka dhaxeeya weeraradii Maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Degmada Galcad iyo deegaanka Cowsweyne ayaa ku jawaabay “Isku nashqad waaye, isku nashqad waaye.”

Maalmihii ugu dambeysay ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay khilaafka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow kala dhaxeeya Wasiir Jaamac, tani oo ka dambeysay ka dib weerarkii Shabaabku ay 26-kii bishii August ka gaysteen deegaanka Cowsweyne, oo hoostagga Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada oo 28-kii bishaasi gadooday ayaa soo banneeyay saldhigyadii ay ku lahaayeen degmooyin iyo deegaano dhaca Galmudug, waxaana cirka isu shareeray shakigii ciidamada ee ahaa in ay ku dhex jiraan kuwo u hoosaasinaya argagixisada, isla-markaana aan dhab ka ahayn la dagaalanka cadowga.

Dib u gurashada ay ciidamadu sameeyeen ayaa dib-u-dhac ku keenay hawlgalkii militari ee bartamihii bishii August ka bilowday deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkii hore bilaabay in uu si dhow u eego cabashada iyo gadoodka ciidamada, isagoona sheegay in lala xisaabtami doono kuwa gacan bidixeynaya dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc