Home Wararka Maanta Wada hadaladii Jabuuti oo warmurtiyeed laga soo saaray

Wada hadaladii Jabuuti oo warmurtiyeed laga soo saaray

by Laacib

Wada hadaladan oo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uga socday Magaalada Djibouti ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 8 qodob.

Kulankooda oo Khamiistii ka bilowday Caasimadda Djibouti ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo martigelinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoona uu hadafku ahaa dardargelinta wada hadalada labada dhinac.

Warmurtiyeedka ayaa waxaa dhanka Dowladda Federaalka u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi, halka Somaliland-na uu u saxiixay Wasiirkeeda Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed.

Qodobada warmurtiyeedka:-

1. In dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadaladii u dhexeeyay labada dhinac, ayadoo diiradda lagu saarayo, saldhigna’looga dhigayo arrimaha masiiriga ah si loo gaadho xal-waara.

2. In labada dhinac ay muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla meeldhigaan hannaanka geeddi-socodka (Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah isla markaana la soo magacaabo guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.

3. In labada dhinac ay si wadajir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay wadahadalii labada dhinac horay ugu dhexmaray; Ankara (April 2012), London (June 2012), Ankara (April 2013), Istanbul (July 2013), Istanbul (January 2014), Djibouti (December 2014), Istanbul (March 2015), Ankara (April 2016) iyo Djibouti (June 2020).

4. In garowshiyihii dawladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfalladii,iyo burburkii dawladdii mileterigu ay ka geysatay Somallland (gobollada Waqooyi) la sii adkeeyo ka garaabiddiisa.

5. In labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amnIga, la dagaalanka faldambiyeedyada abaabulan ayadoo ay xiriir buuxa ka yeelanayaan arrimahaas hey’adaha u xilsaaran.

6. In goobaha iyo gobollada ay colaaduhu ka jiraan nabad Iyo xasilooni lagu soo dabaalo, isla markaana la joojiyo ayadoo loo marayo dhaqankeenii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.

7. In labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraaladda iyo wax kasta oo wax u dhimaya Jawiga wadahadalada ee socda.

8. Labadi wafdi ee ay kala hogaaminayaan labada madaxweyne ee Dowladda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane lsmaaciil Cumar Geelle, dawladda Iyo shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti martiqaadka, soo dhowaynta Iyo daadihinta shirarka labada dhinac. Waxayna ku boorinayaan madaxweynaha inuu arrintaas sii ambaqaado.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc