Home Wararka Maanta Wafdi ka socdo Garaadada Laascaanood oo soo gaaray Muqdisho (SAWIRRO)

Wafdi ka socdo Garaadada Laascaanood oo soo gaaray Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Garaadada Gobolka Sool ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), Xildhibaano iyo dadweyne kale.

Wafdigan ayaa ka jawaabayay martiqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ujeedkiisu ahaa in bal xal loo helo xiisadda Somaliland iyo dadka reer Sool, oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ku dagaalamayay Magaalada Laascaanood.

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wafdigaasi uga mahadceliyay inay aqbaleen martiqaadkii Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

“Sharaf weyn bay inoo tahay maanta inaan idinku soo dhaweyno dalkiinnii, Caasimaddii Muqdisho, Xaruntii Dowladda Soomaaliyeed. Sharaf weyn bay inoo tahay inaan idinku soo dhaweyno, idinkuna aad aqbashaan wicitaankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Waxaan leenahay Garaad soo dhawaada, waxaan rajeynaynaa socdaalkiina iyo howshiina inay guuleysato. Waxaad timaadeen meel Soomaalinimada laga jecelyahay, waxaad timaadeen goobtii midnimada.” Ayuu yiri Wasiirku.

Waxa kaloo uu yiri “Deegaanadii aad ka timaadeen idinkaa ka warbixin doona, way dhibanaayeen dadka meeshaas jooga, waana la soconaa. Dad badan baa ka barakacay, guryo iyo hanti badan baa dhibaato badan gaartay, Dowladda Somaliya mowqifkeediina horaan u caddeynay.”

Waa markii ugu horreysay oo Caasimadda Muqdisho ay soo gaaraan wafdi ka socda Garaadada Gobolka Sool, tan iyo intii uu dagaalku ka bilowday Magaalada Laascaanood.

Xaalad hubinti la’aan ah ayaa ka jirtay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, Tan iyo 6-dii bishii February oo dagaalku uu ka qarxay magaaladaasi, waxaana guuldareystay dadaalo dhowr ah oo lagu doonayay in xaaladda lagu qaboojiyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc