Home Wararka Maanta Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Fiqi oo gaaray Degmada Xarardheere (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Fiqi oo gaaray Degmada Xarardheere (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Wasiirka oo ay wehlinayeen xubno isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada Xarardheere, Saraakiisha Ciidamada iyo bulshada qaybteed.

Wafdiga Wasiirka ayaa degmadaasi u tegay dardargelinta hawlgalka la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro Koonfurta Gobolka Mudug.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan uu degmadaasi kula yeeshay Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in la joogo, xilligii maleeshiyadaasi laga ciribtiri lahaa Gobolada Dhexe.

Wasiirka ayaa maalmahaanba gobolkaasi ka waday abaabulka iyo diyaarinta ee Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ee iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada ku dhiirigelinaya, sidii ay door weyn uga qaadan lahaayeen dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Wasiirka ayaa Talaadadii Degmada Wisil kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ee u diyaarsan gulufka la qorsheeyay in lagu qabto deegaanada maqan.

Fiqi ayaa sidoo kale gadaal ka riixaya barnaamijka xasillinta ee lagu xaqiijinayo amniga goobaha lala wareego iyo dib-u-heshiisiinta beelaha deegaanka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayay tahay in goobaha la xoreeyo ay ka hirgeliso adeegyada horumarineed, sida waxbarashada, caafimaadka, tamarta iyo horumarinta biyaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc