Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay abaabulka ciidan ee ka jira Gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay abaabulka ciidan ee ka jira Gobolka Mudug

by Laacib

Abaabul iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegaya Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo qayb ka ah wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogag deegaanka ah oo la abaabulay ayaa isu diyaarinaya gulufka la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, maamulada degmooyinka iyo odayaasha beelaha ayaa abaabulay ciidamada iyo dadka deegaanka, oo ay tahay in ay iska kaashadaan hawlgalka la damacsan yahay in kooxaha argagixisada lagaga suuliyo deegaanada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa xoogiisu uu ka socdo Degmada Wisil, halkaas oo sidoo kale lagu diyaariyay Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Xiriirka Villa Somalia iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa la fahamsan yahay in muddooyinkii ugu dambeysay uu ka soo reynayay, iyadoona Dowladda Federaalka ay urur diimeedkaasi weydiisatay in hawlgalka ka gacan siiyaan.

Sabtidii ayay ahayd markii duleedka Magaalada Guriceel lagu soo bandhigay xoogag deegaanka ah oo la abaabulay, isla-markaana ay qayb ka yihiin Xerta Ahlu Sunna.

Xertan ayaa u badan Xoogagii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee kala irdhoobay, ka dib markii Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ay Hoggaankii Maamulka Ahlu Sunna sanadihii 2019-2020 kala wareegeen Magaalooyinka Matabaan, Guriceel, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaano kale.

Xerta Ahlu Sunna ayaa Shabaabka sanadihii 2021-2022 ka hor istaagtay weeraradii ay ku doonayeen in ay kula wareegaan Wisil, Baxdo iyo Qaayib, tani oo muujisay in ay yihiin xoogag weli jira.

Ciidamada haatan lagu diyaariyay Wisil ayaa la filayaa in ay xoreeyaan deegaano ay ka mid yihiin Caad, Cammaara, Dabagalo, Dumaaye, Bacaadweyne iyo Shabellow.

Sidoo kale Xerta Ahlu Sunna ee muddooyinkii ugu dambeysay kutubo raaca ku ahayd Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa qayb ka ah qorshaha socda ee lagu wado in mintidiinta Shabaabka lagaga saaro deegaanada hoostagga degmadaasi.

Xertan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa la sheegaya in sidoo kale ay la hawlgeli doonaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee loogu talagalay inay qabtaan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ka hadlayay shirka arrimaha amniga looga hadlayo ee Khamiistii shalay ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay hadda diyaar u yihiin in ay dhulkooda ka sifeeyaan haraadiga argagixisada.

“Maanta waxaan haysanaa fursad weyn, waa loo istaagay, waana loo taagan yahay wejigii labaad ee ka sifeynta haraadiga argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa xusay in reer Galmudug ay fure u noqon doonaan gulufka kooxaha argagixisada looga ciribtirayo guud ahaan dalka.

Dowladda Federaalka ayaa wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgalka diiradda ku saareysa in marka hore colkaasi laga soo afjaro deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, marka xigtana ay ciidamadu cagta mariyaan dhulka ay mintidiintu ka maamulaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, markaas oo la filayo in hawlgalka ay dib kaga soo biiraan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc