Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay gulufka dagaal ee Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay gulufka dagaal ee Gobolka Hiiraan

by Laacib

Abaabul iyo diyaargarow ciidan ayaa ka jira qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, iyadoona loogu diyaargaroobayo wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Cali Jeyte Cismaan ayaa mar kale Xoogaga Difaaca Shacabka ku hoggaaminaya qorshaha socda ee la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaasi.

Cali Jeyte Cismaan oo Khamiistii gaaray deegaanka Goobo oo hoostagga Degmada Maxaas ayaa halkaasi kula kulmay boqolaal ka mid ah xoogaga deegaanka ee la abaabulay.

Cali Jeyte oo fagaare kula hadlayay dadka reer Goobo ayaa marka hore ku amaanay inay si dhab ah ugu taagan yihiin dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.

Waxa uu kula dardaarmay si la mid ah wejigii koowaad ee hawlgalka in ay gacan weyn ka gaystaan dagaalka gobolka lagaga saarayo maleeshiyadaasi.

Waxa kaloo uu sheegay in hadafkoodu uu yahay in ay dalka ka saaraan kuwa caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Jeyte ayaa ku goodiyay in muddo kooban ay dalka kaga ciribtiri doonaan mintidiinta Al Shabaab, isagoona shacabka ugu yeeray in dagaalka ay ku gacan siiyaan.

Wejigii hore ee hawlgalka ayaa mintidiinta lagaga sifeeyay deegaanadii ay ka maamulayeen dhanka bari ee gobolkaasi, haatana yoolku waxaa weeye in laga kiciyo dhulka ay kaga sugan yihiin daanta galbeed ee gobolkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaantii bishan Jeyte u igmaday in uu hoggaamiyo dagaalka gobolka looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha oo u kabo gashtay inuu hoggaamiyo gulufka dagaal ee Shabaabka lagaga saarayo Gobolada Dhexe ayaa intii muddo ahba ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb ka sii wada abaabulka iyo dardargelinta hawlgalkan militari ee lagu dhiig bixinayo Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc