Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay baaritaanka weerarkii Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad

Wararkii ugu dambeeyay baaritaanka weerarkii Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad

by Laacib

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku howlan baaritaanka weerarkii ismiidaaminta ee maalin ka hor ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa u soo xiray dhowr Sarkaal oo ciidamada ka tirsan.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa Isniintii isku qarxiyay ciidan ka tirsan kuwa Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka, xilli ay safaf ugu jireen gudaha xeradaasi.

Inta la ogyahay 25 askari ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka ku dhawad 70 kalena ay ku dhaawacantay weerarkan oo ay sheegatay Al Shabaab.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu ka tirsan yahay maleeshiyada Shabaabka, haatana ay baaristu socoto.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu xabsiga dhigay ugu yaraan saddex Sarkaal, kuwaa oo su’aalo laga weydiinayo, sida ismiidaamiyuhu uu ku awooday in uu gudaha u galo xeradaasi, bacdamaa la fahamsan yahay in si weyn amnigeeda loo ilaaliyo.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay ka qayb qaadanayaan baaritaankaasi.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre uu Duhurnimadii Isniinta khadka teleefanka kula hadlay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, isla-markaana uu u sheegay in jawaab cad uu ka doonayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saraakiisha la xiray ay ka mid yihiin kuwii qaabilsanaa amniga Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee Jaalle Siyaad.

Weerarkan ayaa weji gabax ku ah Taliska cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana weerarkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ay Shabaabku ka gaystaan mid ka mida xeryaha ciidamada, tan iyo 19-kii bishii June, markaas oo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ay soo magacaabeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Axmed Aadan Cali, lana bedelay Taliskii hore.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in uu si dhab ah u baarayo dhacdadaasi, si sharciga loo horkeeno shakhsiyaadkii Shabaabka kala shaqeeyay falka lagu dhibaateeyay Ciidanka Guutada 14-ka October.

Ciidankan oo dhawaan laga keenay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa tababar dheeri ah ku qaadanayay xeradaasi, iyadoona loo diyaarinayay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Si kastaba ha-ahaatee dad badani ayaa isha ku haya waxa ka soo bixi doona baaritaanka socda, si cidi loogu ciqaabo dhibkii dhacay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc