Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay ciidamada ku qulqulaya Degmada Maxaas

Wararkii ugu dambeeyay ciidamada ku qulqulaya Degmada Maxaas

by Laacib

Ciidamadan oo isugu jira kuwa Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa ku qulqulaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada oo ay horkacayaan masuuliyiin kala duwan oo deegaanka ah ayaa ku qulqulaya degmadaasi, iyadoo laga jawaabayo baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ahaa in dadka reer Hiiraan ay kaalin mug leh ka qaataan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo uu hoggaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ay gelinkii dambe ee Khamiistii gaareen degmadaasi.

Ciidamo kale oo uu wato Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa iyana la soo sheegaya in xalay ku hoydeen degmadaasi.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in xubno kale oo ku dhow dhow Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo ciidamo ay horkacayaan ay qayb ka yihiin masuuliyiinta gaaraya degmadaasi.

Magaalada Beledweyne ayaa xudun u ah abaabulka ciidamada faraha badan ee gaaraya Degmada Maxaas, halkaas oo la filayo in uu gaaro Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Dhanka kale masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug oo ka ambabaxay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa la sheegaya in sidoo kale ay gaareen degmadaasi.

Maxaas ayaa mar kale lagu diyaarinaya ciidan xoog leh, oo la doonayo in ay dhanka waqooyi ka weeraraan Magaalada Ceelbuur iyo deegaanada hoostagga, ka dib markii uu guuldareystay qorshihii hore ee lagu xaqiijinayay amniga deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan magaaladaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka oo 25-kii bishii August la wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur ayaa maalmo ka dib soo banneeyay magaaladaasi, ka gadaal markii ciidamadii jihooyinka bari iyo koonfureed kaga sii siqaayay magaaladaasi aanay xaqiijinta amniga dhulkii la doonayay in ay qabtaan.

Kala shaki ciidanka dhexdiisa ah oo markii horeba jiray ayaa si rasmi ah u soo ifbaxay, ka dib weerarkii xooganaa ay Shabaabku Sabtidii ku galeen deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi Galgaduud.

Ciidamada ayaa wixii weerarkaasi ka dambeeyay dib uga soo gurtay degmooyin iyo deegaano dhaca Galmudug, oo kol sii horreysay laga saaray Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku hanjabay in la joogo, xilligii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka la siiyay ee ku takri-falay.

Saraakiisha Ciidamada Militariga ayaa hadda wada qaabeynta iyo qorsheynta istiraatiijiyaddii ay ciidamada ku qaban lahaayeen dhulka maqan ee Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc