Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay colaadda Xisbullah iyo Israel

Wararkii ugu dambeeyay colaadda Xisbullah iyo Israel

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay weeraro ka gaysteen bartilmaameedyo uu Ururka Xisbullah ku leeyahay koonfurta dalka Lubnaan.

Taliska ayaa bayaan ku sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay beegsadeen kaabeyaasha dhaqaalaha ee koonfurta Lubnaan, iyadoo laga jawaabayo weerar kaga yimid Xoogaga Xisbullah ee koonfurta dalkaasi ka arrimiya.

“Ciidanka Cirka Israel ayaa weerar ku qaaday goob ay Xisbullah subaxnimadii Jimcaha ka soo tuurtay gantaalo.” Ayaa lagu yiri bayaanka Taliska Militariga Israel.

Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya dhisme uu gantaal ku dhacayo iyo duqayn kale oo ka dhacday meel bannaan.

Jimcihii gantaalo laga soo tuuray dhanka dalka Suuriya ayaa lagu weeraray waqooyiga Israel, inkastoo aysan wax khasaare ah gaysan, sida lagu sheegay bayaanka Militariga Israel.

Israel ayaa Khamiistii ku hanjabtay in dagaal ballaaran ay ciidamadeeda ku qaadi doonaan koonfurta Lubnaan, haddii aysan Xisbullah joojin weerarada ka dhanka ah Israel.

Colaadda labada dhinac ayaa si weyn u saameysay aagga khadka buluugga ee ay ku sugan yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Qaramada Midoobey.

Gantaalaha iyo duqaymaha ay dhinacyadu is weydaarsanayaan ayaa sidoo kale sababtay in tobanaan kun oo shacabka labada dhinac ah ay ka barakacaan deegaanada ku teedsan xuduudda.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in 120 qof ay ku dileen xadka koonfureed ee dalka Lubnaan, halka dhankoodana ay qirteen tobaneeyo dhimasho iyo dhaawac ah.

Xoogaga Xisbullah ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay duqaymaha ay ku hayaan waqooyiga Israel, gaar ahaan Magaalada Kiryat Shmona iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow Beeraha Shebaa.

Diyaaradaha Israel ayaa mar sii horreysay waraaqo digniino ah ku daadiyay koonfurta Lubnaan, iyagoo markaasi shacabka ku wargelinaya inaanay bartilmaameed noqon, isla-markaana ay banneeyaan meelaha ay Xisbullah ku sugan tahay.

Raysal Wasaaraha dalka Lubnaan, Najib Mikati ayaa ugu baaqay Israel in ay joojiso weerarada gardarrada ah ay ka waddo buu yiri koonfurta Lubnaan iyo Marinka Gaza.

Raysal Wasaare Mikati ayaa Israel uga digay daandaansigeeda koonfurta Lubnaan, haddii kalena ay gobolka u horseedi doonto dagaal aan dhammaad lahayn.

Xiisadda sii kordheysa ee ka dhex aloosan Xisbullah iyo Israel ayaa loo arkaa mid dabka ku shideysa colaadda haatan ka jirta Bariga Dhexe.

Iyadoo Israel ay wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay sheegtay in ay xididada ugu siibeyso Ururka Xamaas ayaa xoogaga ay Iran taageerto ee Yemen, Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq ay u muuqdaan kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Israel iyo danaha Mareykanka ee gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc