Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay daadadka halakeeyay Degmada Berdaale

Wararkii ugu dambeeyay daadadka halakeeyay Degmada Berdaale

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Berdaale ee Gobolka Baay ayaa sheegay in xaalad bani’aadantinimo ay ka jirto degmadaasi, taas oo ka dhalatay daadad ku soo rogmaday degmada.

Roobabka xoogan ee ka da’aya gobolka ayaa sababay in daadadku ku soo rogmadaan degmada, iyadoona ay biyuhu barakiciyeen inta badan dadkii halkaasi ku noollaa.

Wararka ayaa sheegaya in daadadku ay kala xirxireen xaafadihii Degmada Berdaale. Berdaale ayaa qiyaastii 50km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in roobabkii Isniintii ka da’ay gobolka ay dhaliyeen in daadad hor leh ku soo rogmadaan degmada, xaaladduna ay u muuqato mid meel adag gaartay.

Dadka ku harsan Berdaale ayaa sheegay in qulqulka biyaha socda ay sababeen in hakad uu ku yimaado dhaqaaqii guud ee degmada, sida isu socodka dadka & gaadiidka, ganacsiga iyo waxbarashada.

Ex Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan (Fanax) oo horey uga tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in joogga biyaha ay meelaha qaarkood gaareen hal mitir iyo bar, isla-markaana boqolkiiba sagaashan (90%) ay dadkii deegaanka isaga barakaceen guryahooda.

Xaaladda nolosha ee dadka ku harsan degmada iyo kuwa kale ee ka barakacay ayaa la sheegay inay sii adkaaneyso, maadaama ay biyuhu qaadeen raashiinkii ay dadka quudan lahaayeen, isla-markaana uu hakad ku jiro isu socodkii iyo ganacsigii halkaasi ka jiray.

Qoysaska ka barakacay degmada oo gaaray deegaanada hoostagga degmadaasi ayaa ku sugan geedaha hoostooda, mana haystaan baa la leeyahay wax ay gabaad ka dhigtaan roobka, dhaxanta habeenkiina ay ka dugaashadaan.

Gudoomiyaha Gobolka Baay, Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Biyaano) oo gaaray Degmada Berdaale ayaa indhihiisa ku soo arkay xaaladda adag ee halkaasi ka jirta.

Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ku sugan degmadaasi ayaa dhankiisa sheegay in dadka reer Berdaale ay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay daadadka roobka.

“Daadadku waxay socdaan muddo 17 maalmood ah, waxaana ugu darneyd maalmihii la soo dhaafay, gaar ahaan 48-kii saac ee hadda la soo dhaafay. Daadad xoog leh oo magaaladii soo galay ayaa sababay in guryihii dhammaa ee magaalada laga wada qaxo.” Ayuu yiri Senator Cabdiweli Xaabsade.

Senator Cabdiweli Xaabsade ayaa sheegay in ay jiraan dad ku dhintay daadadkii ugu dambeeyay, sidoo kalena ay ku burbureen guryo, isla-markaana ay jiraan dad ku hanti beelay, sida uu yiri.

“Sida aad la socotaan goobihii caafimaadka ayaan xitaa ka jirin magaalada, waa meel ay dhibaato badan ka jirto waaye magaalada.” Ayuu yiri Senator Cabdiweli Xaabsade.

Garoonka Diyaaradaha Berdaale oo sida la sheegay ay biyuhu buuxiyeen ayaa sii adkeysay in gurmad dhanka hawada ah la gaarsiiyo dadka deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa walaac ka muujiyay xaaladda cakiran ee halkaasi ka taagan.

“Magaalo dhan oo laga wada guuray oo duleedka magaalada loo wada guuray, sidii wax lagu gaarsiin lahaa iyo dhibaatada jirta, koley waa la dareemi karaa. Dhibkaas ayaan ku jirnaa.” Ayuu yiri Wasiirka oo socdaal ku tegay degmadaasi.

Wasiirka ayaa yiri “Annaga intii hore oo dhan waxaan rajo ka lahayn garoonka ay magaaladu leedahay oo meel taag ah ku yaalo, aan moodeynay inaysan biyaha soo gaareynin, garoonkiina biyaa soo gaaray, biyihiina inay dul maraan ayay noqotay. Marka rajadii aan ka lahayn inay diyaarado yimaadaan, waxay noqotay wax haba yaraatee aan jirin.”

Wasiirka ayaa xusay in roobabka sida joogtada ah halkaasi uga da’aya ay meesha ka saareen rajadii ay ka qabeen in diyaarado gargaarka lagu gaarsiiyo dadka u baahan.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ay isku dayi doonaan habab kale, oo ay wax ku gaarsiin karaan qoysaska ku tabaaleysan duleedyada Berdaale.

Deegaanada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabelle ayaa waxaa jira daadad iyo fatahaado is biirsaday, oo ka dhashay isbedelka cimilada adduunka, oo ay sababtay duufaanka El-nino.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc