Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay dabka xoogan ee ka kacay Suuqa Bakaaraha (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay dabka xoogan ee ka kacay Suuqa Bakaaraha (SAWIRRO)

by Laacib

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa aroornimadii saaka ka kacay qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan boosteejada laga raro baabuurta aadda Magaalada Baydhabo.

Dabka ayaa baabi’iyay goobo ganacsi, ka dib markii uu ku fiday qaybo ka mida suuqaasi. Dabka ayaana bilowgii hore u muuqday mid ku faafaya goobaha ganacsiga ee halkaasi ku yaala, ka hor inta aanu bilaabin gurmadka lagu baqtiinayo.

Shaqaalaha Gaadiidka Dab-demiska Gobolka Banaadir iyo ganacsato ayaa ku howlan, sidii ay u baqtiin lahaayeen dabkaasi, iyagoona ku dadaalaya inaanu dhul hor leh ku fidin.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu hadda u muuqdo mid xowligii uu ku socday yaraaday, laguna guuleystay in la xakameeyo.

Intii uu dabka xooggiisu socday ayaa waxay indhahagu qabanayeen dhismayaal ganacsi oo gubanaya, kuwaa oo dabka uu baabi’iyay.

Dabka ayaa si weyn u saameeyay goobaha ganacsi ee ku yaala inta u dhaxeyso qaybta Cabdalla Shideeye iyo Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel.

Ma cadda waxa dhabta ah ee sababay dabkaasi, balse waxaa jira warar sheegaya in uu ka dhashay qarax la soo dhigay goobo ganacsi oo halkaasi ku yaala.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dabkan oo khasaare u gaystay goobo lagu iibinayay qalabka electronikada iyo bagaashka.

Dhacdooyinka dabka la xiriira ayaa sanadihii ugu dambeysay ku soo badanayay suuqyada ganacsi ee magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida.

Dabka oo inta badan si kedis ah ku bilowda ayaa saacado yar gudahood ku gaysta burbur dhaqaale oo aad u baahsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc