Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay dadka ka barakacaya Gaza

Wararkii ugu dambeeyay dadka ka barakacaya Gaza

by Laacib

Shacabka ku dhaqan Marinka Gaza ayaa isaga barakacaya dhanka waqooyi ee magaalada, iyagoona u barakacaya dhinaca koonfureed ee magaaladaasi iyo goobaha ay u arkaan inaanay hawlgaladu saamayn doonin.

Maamulka Israel ayaa Jimcihii dadka rayidka ah ugu baaqay in ay isaga baxaan waqooyiga magaalada, iyagoo ka faa’iideysanaya 24 saacadood oo ay u qabteen.

Dadka ka barakacaya magaalada ayaa adeegsanaya baabuur, gaari dameero iyo qaarkood oo lug uga baxaya magaalada, waxayna gaarayaan goobaha ay u arkaan in ay ku nabadgeli karaan.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dad fara-badan oo ka horyimid in ay guryahooda ka barakacaan.

Israel ayaa Isniintii ku dhawaaqday go’doomin dhameystiran oo magaalada ay gelisay, iyada oo ka jartay adeeggii biyaha, korontada, sahayda cuntada iyo dawooyinka.

Ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ay Xamaas 7-dii bishan ka gaysatay dhulka la haysto, Israel ayaa duqaymo baahsan ka gaysatay magaalada, taas oo xaalad bani’aadanimo ka abuurtay Gaza.

Duqaymahan ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen in ka badan 2,215 qof, isla-markaana ay ku dhaawacmeen 8,700 oo kale.

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa duleedka Gaza soo dhoobay ciidan xoogan, kuwaa oo la sheegayo in hawlgalka dhulka ah ay ka samayn doonaan magaalada.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee Gaza, waxayna keentay in indhaha dunida ay ku soo jeestaan waxa ka socdo magaaladaasi.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc