Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Baay

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Baay

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay gelinkii dambe ee Axaddii weerareen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud Buurey, oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga beegan Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta xeradaasi, ka gadaal markii ay ka baxeen Ciidamada Militariga.

Ciidan gurmad ahaa oo raacooda hore uu hoggaaminayay Taliyaha Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, G/dhexe Cabdullaahi Maxamed Ugaas (Kunow) ayaa xalay lala eegtay saddex qarax oo waddada dhinaceeda lagu aasay. Qaraxyadan ayaana lagu la beegsaday duleedka Magaalada Baydhabo, gaar ahaan inta u dhaxeyso Boonkey iyo Cali Amxaar.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxyadu ay laba ka mida haleeleen laba gaari oo Cabdi Bile ahaa, midkoodna uu la socday G/dhexe Kunow. Laba askari ayaa la ogyahay in qaraxyadaasi ku dhinteen, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Taliye Kunow.

Gurmadkii xigay ciidamada oo uu horkacayay Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa gaaray Goofgaduud Buurey, halkaas oo dagaal culus ay kula galeen Shabaabkii qabsaday deegaankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Xoogga Dalka ay xilligii caweyska mintidiintaasi ku khasbeen in ay dib uga gurtaan deegaankaasi, oo ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga Magaalada Baydhabo.

Illaa saddex askari ayaa la xaqiijiyay in ciidamadu kaga dhinteen dagaalkaasi, dhowr kalena ay kaga dhaawacmeen, halka aan la garanayn khasaaraha dhabta ah ee gaaray kooxihii weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shabaabku ay meydadka iyo dhaawacyadooda u qaateen tuulada Ceel-mareer oo 18km dhinaca galbeed kaga toosan deegaanka Goofgaduud Buurey.

General Xasan Baydhabo oo bogaadiyay ciidamadiisa ayaa sheegay in mar dhow ay u ruqaansan doonaan deegaanada kale ee cadowga uu ka joogo sida uu yiri dalka.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa 2-dii bishan sidaan oo kale u weeraray xeradaasi, balse markaasi uma aynaan suurtagelin in ay la wareegaan xeradaasi.

Weerarkan ayaa imaanaya, iyadoo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu Khamiistii iclaamiyay dagaal kooxaha argagixisada lagaga saarayo deegaanada ay ka maamulaan saddexda gobol ee Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc