Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta weerar u muuqday mid qorsheysan ku qaaday deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa iska caabin xoogan kala kulmay maleeshiyada Al Shabaab, oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay gacanta ku hayay deegaankaasi.

Ciidamada ayay markii dambe u suurtagashay in ay dagaal culus kula wareegaan gacan ku haynta deegaanka Baar Sanguuni, oo qiyaastii 50km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah, iyadoona Saraakiisha Ciidamada ay soo bandhigeen maxaabiis iyo hub ay sheegeen in ay kala wareegeen Shabaabka.

Afhayeenka Ciidanka Jubbaland, G/dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay inta ay ogyihiin in ciidamadu ay dagaalka ku dileen 10 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan meydad iyo dhaawacyo ay horey u sii qaateen.

Ma sheegin askar dhanka ciidamada kaga dhimatay dagaalka, balse wararka laga helayo duleedka Kismaayo ayaa sheegay in meydadka tiro askar ah lagu aasay khabuuro halkaasi ku yaala.

Afhayeenka Ciidanka Jubbaland ayaa hawlgalkan ku macneeyay “Hawlgalka waxaan is leenahay wuxuu noqon doonnaa daahfurka wejigii labaad ee dagaalka Khawaarijta dalka lagaga xoreynayo.”

Ciidamada ayaa deegaankan soo banneeyay daba-yaaqadii sanadkii hore, markaas oo gobolka ay fatahaado xoogan ku dhufteen. Shabaabka ayaana tan iyo xilligaa maamulayay deegaankaasi.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhawaan iclaamiyay hawlgal lagu xoreynayo dhulka ka maqan gacantooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc