Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Mudug

by Laacib

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal faraha looga gubtay oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaanka Qodqod ee Gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka, oo ay qayb ka yihiin Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa weerar culus ku ekeeyay difaaca ay maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Ciidamada oo iska caabin xoogan kala kulmay mintidiinta Al Shabaab ayaa la galay dagaal fool ka fool ah, taas oo natiijadeedu noqotay in laga saaro deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay aadeen dhinaca deegaanka Cammaara, isla-markaana ay ciidamada qaybtood kaabiga ku hayaan deegaankaasi.

Ciidamada la wareegay gacan ku haynta Qodqod oo dhawaan ka soo ruqaansaday Degmada Baxdo ayaa waxaa hawlgalka ku wehlinaya ciidamadii kale ee Talaadadii la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xiinlabi. Qodqod ayaa dhacda inta u dhaxeyso Xiinlabi iyo Cammaara.

Wax sahlan ma ahayn in Shabaabka saacado yar looga saaro Qodqob, oo la fahamsan yahay in difaac weyn ay ku lahaayeen, balse taasi libinteeda ayaa waxaa loo tirinaya Xerta Ahlu Sunnada Baxdo ee u soo dhaqaaqday in dagaalka qayb ka noqoto, waana xertii ka difaacday Shabaabka weeraradii kala dambeeyay ee billihii January iyo June ee sanadkii 2022 ka gaysteen Degmada Baxdo.

Cutubyo kale oo ka tirsan ciidamada ayaa isla maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Sargo, oo u dhow Xiinlabi.

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamadu ka gaareen aagagga dagaalka.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono, illaa iyo inta Galmudug laga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Dhanka kale ciidamadii ka dhaqaaqay deegaanka Laas-gacamey ayaa caawa ku hooyanaya afaafka hore ee deegaanka Bacaadweyne.

Ciidamada ayaa miinooyin fara-badan ka saaray waddada, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), oo isagu haatan ku sugan Degmada Wisil.

Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, xoogaga deegaanka iyo Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee fadhigoodu yahay Baxdo iyo Wisil ayaa jihooyin kala duwan kaga sii socda dhulka ay Shabaabku kaga harsan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.

Wasiir Gaboobe ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay dadku maqli doonaan is bedelo waaweyn, oo ciidamadu ka sameeyeen furimaha dagaalka.

Qorshaha dagaal ee socda ayaa ah inaanay ciidamadu ku wada hakan deegaanada Shabaabka laga saaro, qaybtoodna ay daba galaan firxadka maleeshiyada, si looga hortaggo weeraro ay ku soo qaadaan dhulkii laga saaray.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc