Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal faraha looga gubtay oo dhex maray Shabaab iyo Militariga Itoobiya

Wararkii ugu dambeeyay dagaal faraha looga gubtay oo dhex maray Shabaab iyo Militariga Itoobiya

by Laacib

Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya oo dagaal qaraar ku dhex maray Gobolka Bakool

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in goobo kala duwan oo gobolkaasi ku yaala uu maanta dagaal culus ku dhex maray Ciidanka Militariga Itoobiya iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyadaasi ay waddada u galeen kolonyo ay la socdeen Militariga Itoobiya, oo goobo kala duwan ku sii jeeday.

Shabaabka ayaa waddada u galay kolonyo ka kala baxday Degmooyinka Ceelbarde iyo Yeed, kuna sii kala jeeday Degmooyinka Xudur iyo Waajid.

Weeraradan ayaa lagu sheegay kuwo gaadmo ahaa, iyadoona dagaalka xooggiisu u qabsaday ciidamadii ku sii jeeday Degmada Waajid, oo weerarku uu ku qabsaday inta u dhaxeyso Degmada Rabdhuure iyo deegaanka Buurdhuxule.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi laga maqlayay qaraxyo waaweyn, oo Shabaabku ay u adeegsadeen gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay gaari miineysnaa la beegsadeen gaari nooca ciidamada lagu daabulo ah, oo Militariga Itoobiya ay leeyihiin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in intii uu dagaalku socday ay dhinacyada dhowr jeer isku soo noqnoqdeen, isla-markaana ay jirto dhimasho iyo dhaawac badan oo labada garab ah.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in ay jiraan qaar ka mid ah Ciidanka Itoobiya, oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn.

Goobta uu weerarkan ka dhacay ayaa waxaa ka ag-dhow xero ciidan, oo Militariga Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka Degmada Rabdhuure.

Ciidamadii kale ee ku wajahnaa Degmada Xudur ayuu weerarku ku qabsaday inta u dhaxeyso Degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde.

Militariga Itoobiya ayaa weli ku sugan goobihii kala duwanaa ee weerarku uu ku qabsaday, halka Shabaabkana ay dib uga gurteen.

Gudoomiyaha Degmada Xudur, Cumar Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadu ay si weyn isaga caabiyeen maleeshiyadaasi, khasaare badana ay u gaysteen.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 249 askari oo ka tirsan Militariga Itoobiya.

Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta sheegashada Al Shabaab, marka laga soo taggo wararka sheegaya in ay jirto dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinac ah.

Dagaalkan ayaa noqonaya mid ka mida ah dagaaladii ugu qaraaraa ee Shabaab iyo Ciidanka Itoobiya ku dhex mara gobolkaasi.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc