Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal iyo duqayn ka dhacday Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay dagaal iyo duqayn ka dhacday Gobolka Hiiraan

by Laacib

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa gelinkii dambe ee Jimichii ka qarxay inta u dhaxeyso deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii xoogaga Macawiisleyda ay ku baxeen goobo la sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay isku uruursanayeen.

Wararka ayaa sheegaya in markii uu dagaalku xoogeystay ay dib kaga biireen Ciidanka Guutada 5aad Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhinacyadu ay dagaalku isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, saacado ka dibna ay ciidamadu u suurtagashay in Shabaabka ay halkaasi ka saaraan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saaxiibada caalamiga ay mar dambe dhanka cirka ka garaaceen firxadkii maleeshiyadaasi, laguna bartilmaameedsaday dhulka hawdka ee Beera-yabaal oo hoostagga Degmada Buulo Burde.

Dadka ku dhaqan dhulka miyiga ayaa laga soo xigtay in xalay ay maqleen jugta dhowr gantaal oo is xigxigay.

Wax badan lagama oga khasaaraha uu dagaalku gaystay iyo duqayntii ka dambeysayba.

Saraakiisha Ciidamada iyo Al Shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka culus iyo duqayntii xigtay ee ka dhacday gobolkaasi.

Deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow oo dhaca Bariga Gobolka Hiiraan ayaa mintidiinta laga saaray bishii October.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc