Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Degmada Maxaas

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Degmada Maxaas

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad galabta ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadka uu u dhaxeeyay Ciidanka Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka.

Iska horimaadkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii nin askari ahaa uu degmadaasi ku dilay nin ka tirsanaa xoogaga deegaanka ee loo abaabulay in dagaalka ka qayb qaataan.

Xoogaga Macawiisleyda oo ka carooday tallaabada lagu dilay ninkaasi ayaa intaasi ka dib weeraray fariisimaha ay Guutada Cali Bin Abii Daalib ku leedahay degmadaasi.

Iska horimaadka oo in doora ka socday degmadaasi ayaa xaalad amni ku keenay bulshada reer Maxaas, iyadoona ay hadalhayn badan ka dhalatay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka ku sugan degmada ay markii dambe kala dhex galeen labada dhinac, xaaladdana ay ku soo celiyeen sideedii hore.

Dhanka kale iska horimaadkan ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsan labada dhinac, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Degmada Maxaas iyo masuuliyiinta kale ee ku sugan degmadaasi ayaan weli ka hadlin iska horimaadka gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Maxaas, oo ku dhow xadka Gobolka Hiiraan la wadaago Gobolka Galgaduud.

Maxaas waxaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka socday abaabul iyo diyaargarow ciidan, oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab ka arrimiyaan Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc