Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay Degmada Berdaale

Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay Degmada Berdaale

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar maleeshiyada Al Shabaab ay maanta ku qaadeen Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay soo weerareen degmadaasi, iyaga oo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah, balse mucaaradsan Maamulka Koonfur Galbeed. Berdaale ayaa qiyaastii 60km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baydhabo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Koonfur Galbeed ay jilbaha u laabteen Shabaabkii weerarka soo qaaday, isla-markaana uu dagaal culus ku dhex maray afaafka hore ee degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay isku dayeen inay xoog ku soo galaan degmada, balse iska caabinta ciidamada ay keentay in saacado ka dib ay dib u gurtaan.

“Dagaalkan ayaa bilowday barqadii, wuxuuna soo gaaray xilligii duhurka.” Ayuu yiri Mursal Aadan oo ka mid ah dadka deegaanka.

“Ciidamada maba u diyaarsaneyn weerar noocaan ah, laakiin gurmadkii magaalada isaga kala yimid ayaa Shabaab u diiday inay magaalada qabsadaan.” Ayuu yiri Mursal Aadan.

Shabaabka ayaa la sheegaya in ay weerarka ka soo qaadeen deegaanka Toosweyne oo 25km dhanka koonfureed kaga beegan Degmada Berdaale, dibna ay ugu laabteen.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa sheegay in Shabaabkii soo weeraray Berdaale ay jab kala kulmeen ciidamada.

“Khawaarijta ayaa soo weerartay Degmada Berdaale, ciidamadana way iska caabiyeen. Dhimashadooda iyo dhaawacoodana waa la sheegayaa, ciddii ka fakatayna ciidankaa ku raad joogo, in la soo qabtaana rajeynaynaa.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Berdaale, Cali Boorow uu ku geeriyooday dagaalkaasi, laba askarina ay ku dhaawacantay.

Intii uu dagaalku socday rasaasta wiiftada ayaa ku soo dhaceysay xaafadaha degmada, waxaana inta la ogyahay ku dhaawacantay laba dumar ah.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya in ay arkayn meydka nin askari ah oo dagaalka ku dhintay, kaas oo qoyskiisu ay mar dambe ogaadeen inuu geeriyooday.

Weerarkan ayaa qalqal ku abuuray dadka deegaanka, kuwaa oo intii uu dagaalku socday wadnaha farta ku hayay. Dadku waxay u haysteen in Shabaabku ay qabsan doonaan Berdaale.

Berdaale ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ka taagneyd xiisad ka dhalatay gadood ay sameeyeen maleeshiyaad deegaanka ah, isla-markaana mucaaraday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Maleeshiyadan ayaa la sheegaya in ay isku abaabulayaan deegaanada hoostagga degmadaasi, taas oo walaac dhanka amniga ah ku soo kordhisay deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Baay, Maxamed Isaaq Xasan (Caracase) ayaa dadka reer Berdaale ugu baaqay in ay u midoobaan burcadda sida uu sheegay heshiiska la gashay Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa ku hanjabay in waxa uu ku sheegay burcadda lagu dili doono goob kasta oo lagu arko.

“Niman burcad doolal ah ayaa isku dayay in ay Berdaale qabsadaan. Hadda waxay heshiis la galeen Al Shabaab, meeshii lagu arko ayaana lagu dilayaa.” Ayuu yiri Caracase.

Ma cadda waxa ay ku dambayn doonto masiirka Berdaale. Ka hor xiisaddan Berdaale waxay ka mid ahayd degmooyinka ugu amniga wanaagsan ee Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc