Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka culus ee ka dhacay Magaalada Laascaanood

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka culus ee ka dhacay Magaalada Laascaanood

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaalka xoogan ee maanta Magaalada Laascaanood ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Labada dhinac ayaa dagaalka isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona mararka qaarkood xaafadaha magaalada ay ku soo dhacayeen rasaasta wiiftada iyo madaafiic habow ah.

Dagaalka oo saakay ka qarxay jiidda bari ee magaalada, gaar ahaan halka loo yaqaano Maraaga iyo aagga Jabka Qoriga ayaa soo gaaray xilligii Maqribka, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Dhinacyada ayuuna dagaalka xoogiisu ku dhex maray buuraha ku teedsan Dooxada Ooda-gooye.

Dhinacyada ayaa midba midka kale ku eedeeyay inay soo weerareen fariisimaha ciidamadooda.

War caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa u qornaa “Ciidamada Maamulka Puntland ee Somaliya oo garab ka helaya kooxa huwanta iyo argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mar kasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa Ciidamada Maamulka Puntland ee Somaliya iyo kooxaha argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyay. Mar kasta Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama iloowaan ah.”

Illaa iyo hadda inta la ogyahay 5 qof ayaa ku dhimatay dagaalka, halka 27 kalena ay ku dhaawacantay, sida uu sheegay Cabdiqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo ka mid ah Guddiga 33-ka xubnood ee SSC.

Cabdiqaadir Abshir ayaa sheegay in dadkan ay isugu jiraan dhinacyadii dagaalamayay iyo weliba dad rayid ah, oo rasaasta ay ugu tagtay sida uu sheegay guryahooda.

Dad shacab ah oo si iskood ah isku soo xilqaamay ayaa gaaray Isbitaalka Guud ee Laascaanood iyo isbitaalka kale ee Manhal, si ay dhiig ugu deeqaan bukaanada.

Dagaalkan ayaa lagu sheegay mid ka mida dagaaladii qaraaraa ee ka dhaca magaaladaasi, intii ay labada dhinac ku dagaalamayeen, waxaana uu imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay ay wa-xoogaa deganaansho ah ka jirtay magaaladaasi.

Dhinacyada ayaan horumar muuqda ka sameyn dagaalka, iyadoo uuna gabalka ugu dhacay, halkii uu saakay ka bilowday.

Labada dhinac ayaa tan iyo 6-dii bishii February ku dagaalamayay magaaladaasi, markaas oo magaaladu uu ka qarxay dagaalkan oo salka ku haya arrimo siyaasadeed.

Garabyada dagaalamaya ayaa lagu eedeeyay inaanu midba midka kale doonayn inuu tanaasul muujiyo, taas oo u siinta dheereynaysa sii socoshada dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc