Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dalka Suudaan

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dalka Suudaan

by Laacib

Dagaalka ka soconaya dalka Suudaan ayaa u muuqda mid si weyn u saameynaya magaalooyinka mataanaha la ah Caasimadda Khartoum.

Dagaalka oo kol horeba ku fiday magaalada dhanka galbeed kaga taala Khartoum ee Omdurman ayaa hadda ku sii fidaya magaalada dhanka waqooyi ka xigta ee Bahri, xilli dhinacyadu ay maalmo ka hor soo dhaweeyeen dadaalo dhexdhexaadin ah, oo xal loogu raadinayo colaadda saddexda bilood jirsatay.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Bahri ayaa laga soo xigtay in ciidamada dagaalamaya ay tan iyo Jimcihii ku dagaalamayaan magaaladaasi, isla-markaan ay isku horfadhiyaan qaybo ka mida magaalada, sida aagga Buundada Halfaya.

Isku dhacyo cusub ayaa Sabtidii laga soo sheegay Magaalada Omdurman, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Omdurman waa magaalada ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee degan magaalooyinka mataanaha.

Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, afarna way ku dhaawacmeen duqayn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka gaysteen Omdurman, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Suudaan, oo weerarkaasi ku eedeysay Ciidamada RSF.

Dagaalka oo 15-kii bishii April ka qarxay Caasimadda Khartoum ayaa u dhaxeeya Ciidanka Militariga Suudaan iyo Xoogaga Gurmadka Degdegga ee RSF.

Dadka rayidka ayaa ka baxsanaya dagaalka ka socda Caasimadda Khartoum, oo leesku yiraahdo Magaalooyinka Khartoum, Bahri iyo Omdurman, iyadoona dagaalku uu Gobolka Galbeedka Darfur ka dhaliyay colaad ku saleysan isir naceyb.

Marar badan ayaa waxaa guuldareystay dadaalo heer gobol iyo heer caalami ah, oo lagu doonayay in loogu dabqaado dagaalkan u dhaxeeya labada janaraal ee ugu sarreya ciidamada dalkaasi.

Hoggaamiyaha Golaha Talada Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa soo dhaweeyay baaqa nabadeed ee ka soo baxay shirkii ay Khamiistii dalalka deriska la ah Suudaan ku yeesheen dalka Masar, tiiyoo ay muuqato inaanay si dhab ahi ugu hoggaansamayn.

Kooxaha xuquuqul insaanka ee ka shaqeeya Suudaan ayaa baahiyay warbixin ay ku sheegayaan in Xoogaga RSF ay Caasimadda Khartoum ku xireen shan kun oo qof, waxayna ku hayaan bay yiraahdeen xaalado bani’aadanimada ka baxsan.

RSF ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in dhac baahsan ay ka wadaan goobaha rayidka ee magaalooyinka mataanaha.

Saraakiisha RSF ayaa warkan ku tilmaamay mid been abuur ah, iyagoona taasi bedelkeeda sheegay in ay hayaan maxaabiis dagaal oo si wanaagsan loola dhaqmo.

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in Suudaan ay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye, oo dalka ku hoggaamin kara burbur iyo fowdo qoto dheer, waana xilli ay aad u yar tahay rajada laga qabo in mustaqbalka dhow la soo afjaro colaadda dalkaasi.

Colaadda ayaa waxaa ku barakacay in ka badan saddex milyan oo qof, iyadoo dad hal milyan ku dhow ay maanta qaxooti ku yihiin dalalka deriska.

Dagaalka oo bilowgiisii si kedis ah uga qarxay Magaalada Khartoum ayaa yimid, ka dib toddobaadyo uu khilaaf ka taagnaa qorshe RSF loogu soo dari lahaa Ciidamada Qalabka Sida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc