Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaza iyo cidda ku gacan sarreysa meedaanka dagaalka

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaza iyo cidda ku gacan sarreysa meedaanka dagaalka

by Laacib

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo kooxaha wax iska Falastiiniyiinta ayaa weli ka soconaya koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza, iyadoona dagaalku uu galay maalintii 234aad.

20 maalmood ka dib weerarkii kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay 7-dii bishii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho, Ciidamada Israel ayaa qaaday hawlgal dhinaca dhulka ah oo ay ku galeen Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa xilligaasi Marinka Gaza ugu duulay saddex ujeeddo, oo Israel ay ku kala sheegtay dib u soo celinta Israeliyiintii lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii ee Xamaas ay hoggaamineysay, burburinta Ururka Xamaas iyo xaqiijinta inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku ahayn Israel.

Israel oo sideed bilood dagaal kula jirta kooxaha wax iska caabinta ayaan illaa iyo hadda xaqiijin mid ka mid ah saddexdii hadaf ee ay ugu duushay dhulka Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel ayaa hadda iska caabin xoog leh kala kulmaya kooxaha wax iska caabinta ee ka dagaalamaya deegaanada Rafah iyo Jabalia. Jabalia waa xudunta dagaalka xilligan ka soconaya dhulka bilicdiisii la rogay.

Warbaahinta Israel ayaa goor sii horreysay ku warantay in ciidamada ka dagaalamaya Jabalia ay wajahayaan halis, ayna muuqato in meedaanka dagaalka looga gacan sarreyo, iyadoo ay weliba dhanka cirka ka taageerayaan diyaaradahooda dagaalka.

Ciidamada Israel ayaa 11-kii bishan dib ugu laabtay deegaanka Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza, ka dib markii taliskoodu uu sheegay in halkaasi ay dib ugu soo xoogeysteen Xoogaga Xamaas.

Taliska Militariga Israel ayaa 16-kii bishan qirtay in ciidamadu ay dhexdooda shan askari isaga dileen Jabalia, toddobo kalena ay isaga dhaawaceen.

Taliska ayaa dhowr jeer qirtay in ciidamada dhexdooda ay ku dagaalameen gudaha Marinka Gaza, isla-markaana ay askar iska dileen, balse Warbaahinta ayaa fahamsan inay jiraan in ka badan inta ay qiranayaan, ha yeeshee aysan sheegeynin.

Ciidamada Israel ee gudaha u galay xerada qaxootiga Jabalia ayaa la kulmaya weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, saacad kastana ay wajahayaan weeraro lagu dhiig bixinayo.

Xoogaga Xamaas iyo kooxaha wax kale ee wax iska caabinta ayaa weerarada ka soo qaadaya fariisimaha ay ku leeyihiin dhulka hoostiisa, waana kuwa hoggaaminaya dagaalka, oo marka ay doonaan ayay si firfircoon u beegsadaan Ciidamada Israel.

Weerarada har iyo habeen ee lagu hayo Ciidamada Israel ayaa u diiday inay hurdada ladaan, iyagoona mar kasta oo la weeraro u dhaxeeya nolol iyo geeri.

Weerarada gaadmada ah ee ay qaadayaan kooxaha wax iska caabinta ayaa si weyn u xadiday dhaqdhaqaaqa Ciidamada Israel ee hawlgalka loogu diray xerada Jabalia, kuwaa oo xitaa difaacan la’ taangiyadooda dagaalka iyo gaadiidka kale ee ay wataan.

Habeenkii Sabtida, Xamaas ayaa shaacisay in xoogageeda ay maxaabiis ahaan u qabsadeen askar ka tirsan Ciidamada Israel, ka dib dabin ay sheegeen inay ugu dhigeen mid ka mid ah godadka dhulka hoostiisa ee ku yaala deegaanka Jabalia, waana markii ugu horreysay oo Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam uu sheegto inay gacanta ku dhigeen askar ka tirsan Ciidamada Israel, muddada uu socdo dagaalkan.

Deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza ayaa ah furinta labaad ee ugu weyn ee Marinka Gaza. Dagaalka oo ka soconaya bariga Rafah ayaa qarxay, ka dib markii Ciidamada Israel ay 7-dii bishan bilaabeen hawlgalkooda dhinaca dhulka ee deegaanka dhaca cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Militariga Israel ay xujo ku noqotay, sidii ay ku gaari lahaayeen bartamaha Rafah, inkastoo ay si dhirirsan isugu fidinayaan waddada xuduudda ee u dhaxeysa Marinka Gaza iyo Masar.

Xoogaga Xamaas iyo Ciidamada Israel ayaa u muuqdo kuwo la isugu banneeyay bariga Rafah, ka dib markii Israel ay horaan dadkii barakacayaasha ahaa ee halkaasi deganaa ay ku amartay inay ka guuraan.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa qaadaya weeraro aan loo meel dayin, mar kasta oo aagagga dagaalka jug lagu gaarsiiyo ciidamadooda dagaalka kaga jira deegaanka cufan.

Duqaymaha baahsan ee ay Ciidanka Cirka Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza ayaa galaafsanaya nolosha dadka rayidka ah. Ciidamada Israel ayaa illaa iyo hadda Marinka Gaza ku dilay 36 kun oo qof oo shacab ah, halka in ka badan 80,640 kalena ay dhaawaceen.

Warbaahinta Israel ayaa warineysa in ciidamadu aysan wax niyad ah u hayn inay ka sii dagaalamaan Marinka Gaza, balse cadaadiska ka haysta dhanka madaxda sare ay adkeynayso inay dagaalka sii wadaan.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa iska dhego tiray baaqyadii caalamiga ahaa ee looga dalbanayay inaysan ciidamadiisu weerar ballaaran ku qaadin Rafah, maadaama ay iskugu soo uruureen inta badan dadka reer Gaza ee guryahooda laga soo barakaciyay.

Rafah ayaa hoy u ahayd 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, ka hor duulaanka Israel ay ku qaadday deegaankaasi. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa lagu khasbay in ay ka barakacaan Rafah.

Iska caabinta nool ee ka jirta Marinka Gaza iyo xeeladaha ay adeegsanayaan kooxaha wax iska caabinta ayaa xaalad quus ah gelinaysa ciidamadii soo hujuumay Gaza.

Si kastaba ha-ahaatee kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta oo Xamaas ay ugu tun weyn tahay ayaa ah kuwo weli awood u leh inay sii dagaalamaan muddo dheer, taasina ma ahan mid farxad gelinaysa Tel Aviv, oo madaxdeedu ay wajahayaan cadaadis caalamiya iyo mid gudaha ahba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc