Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaza iyo Israel oo sheegtay in ciidamadeeda galeen Isbitaalka Al-Shifa

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaza iyo Israel oo sheegtay in ciidamadeeda galeen Isbitaalka Al-Shifa

by Laacib

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in Ciidanka Militariga Israel ay gaareen bartamaha Marinka Gaza, ka dib dagaal culus oo gelinkii dambe ee Talaadadii ay la galeen Xoogaga Xamaas.

Wasiirka oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay hadda si macno leh isugu fidinayaan Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadiisu ay horumar la taaban karo ka sameynayaan dagaalkan, balse waxa uu ku celiyay in hawlgalka lagu ciribtirayo Xamaas uu daba dheeraan karo.

Wasiirka ayaa sheegaya in Xamaas ay u muuqato mid lumineysa gacan ku haynta waqooyiga Gaza, ayna Israel sii wadi doonto dagaalka, illaa iyo inta laga xaqiijinayo hadafka laga leeyahay.

“Magaalada oo dhami waxay ahayd meel ay ku xoogan yihiin kooxaha argagixisada, ciidankeenuna waxay awood u leeyihiin in ay si wanaagsan uga hawlgalaan.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israel.

Yoav Gallant, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay in ay cagta dhigi doonaan meel kasta oo Gaza ka mid ah, isla-markaana ay xoog ku soo furan doonaan dadka reer Israel ee halkaasi lagu haysto.

Taliska Militariga Israel ayaa goor sii horreysay sheegay in 240 qof oo Israeliyiin ah ay Xoogaga Xamaas ku haystaan Marinka Gaza.

Xamaas ayaa dadkan ku soo qafaalatay weerarkii 7-dii bishii October, oo lagu sheegay kiisii ugu horreyay ee noociisa ah, ee ay ka gaystaan dhulka ay Israel maamusho.

Dhanka kale war ka soo baxay Militariga Israel ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay gudaha u galeen Isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga Gaza, ka dib maalmo ay ku hareereysnaayeen.

Taliska Militariga Israel ayaa goor dambe oo xalay ahayd sheegay in ciidamadoodu ay bartilmaameed cayiman oo ka dhan ah Xamaas ka fuliyeen isbitaalkaasi.

Taliska ma bixin faah faahin intaasi dheer, balse waxaa warka lagu sheegay in ay qaadayaan tallooyin looga hortaggayo in dhibaato loo gaysto dadka rayidka ah.

Boqolaal bukaan iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa weli ku sugan isbitaalkaasi, oo ah kan ugu weyn Marinka Gaza.

Militariga Israel ayaa Ururka Xamaas ku eedeeyay in ay isbitaalada Gaza u adeegsanayaan hawlgaladooda, inkastoo ururku uu eedeymahaasi iska fogeeyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc