Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gobolka Mudug

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalo la isku soo noqnoqday ay ka socdaan tuulada Jeex-jeexa oo dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Caad ee koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka oo ku jira hawdka Jeex-jeexa ay meel fog wax ka soo tooganayaan, taas oo keentay in gaabis uu ku yimaado qorshaha lagu qabanayo Caad.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in mar kale ay maanta duqayn xoogan ka dhacday buurta Jeex-jeexa, haatana uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya dhinacyada.

Jeex-jeexa waxay ka mid tahay goobaha ay Shabaabku ka difaacayaan deegaanka istiraatiijiga ah ee Caad.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay gurmadyo ka helayaan deegaanada Dhalwo, Jowle, Dabagalo iyo Dumaaye, iyagoona isku dayaya in ay difaacdaan gacan ku haynta Caad.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle ayaa mar sii horreysay in in ka badan 80 Shabaab ah khasaare dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay dagaalka aagga Caad, iyadoo goobihii lagu dagaalamayna sida uu yiri ay ciidamadu la wareegeen, warkaas oo cid madax bannaan oo xaqiijin karta aysan jirin.

Dadka deegaanku waxay sheegayaan in Shabaab fara-badan ay difaac kaga jiraan tuulooyinka Yacgoos, jeex-jeexa iyo illaa soonaha Dhagaxdheer, isla-markaana ay ku daadsan yihiin dhulka hawdka ee halkaasi ku yaala.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in miinooyin badan oo waddada lagu aasay ay sidoo kale caqabad ku noqdeen hawlgalka.

Saraakiil ka tirsan militariga oo diiday in magacadooda Warbaahinta loo adeegsado ayaa Universaltv u sheegay in Shabaabku ay doonayaan in ay fashiliyaan gulufka ku wajahan Caad.

Ma cadda illaa iyo inta ay Shabaabku ka dagaalami doonaan aagga Caad, haddana marka aad milicsato sida uu militarigu ugu soo diyaargaroobay hawlgalkan, waxaa la qisayaa geba-gabadii in ay gobolkaasi uga bixi doonaan jihada Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc