Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Magaalada Garoowe

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Magaalada Garoowe

by Laacib

Ciidamadii taageersanaa siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan furista iyo wax ka bedelka Dastuurka Puntland ayaa laga saaray goobihii ay tan iyo xalay kaga sugnaayeen Magaalada Garoowe, ka dib dagaal culus oo maanta ka dhacay bartamaha magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa magaalada looga saaray dhanka galbeed ee Garoowe, halkaas oo in doora ka hor uu iska horimaad aan buurnayn uu ku dhex marayay Ciidamada Puntland.

Wariyeyayaasha ayaa soo sheegaya in Ciidamada Puntland ay hadda si buuxdo gacanta ugu hayaan amniga magaalada.

Xaaladda magaalada ayaa u muuqato mid degan, iyadoo isu socodkii dadka iyo gaadiidka uu si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanayo.

Isimada Dhaqanka iyo waxgaradka reer Puntland ayaa labada dhinac ugu baaqaya in ay dagaalka joojiyaan, nabaddana laga wada shaqeeyo.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka ee Puntland ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ahi loo joojiyo dagaalka.

“Dowladda iyo mucaaradka, labadaba xabadda waa inay si shuruud ah ku joojiyaan, waana inay u turaan dadka masaakiinta ee shacabka ah ee ay ku dul dagaalamayaan.” Ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay “Waxaan leeyahay xabadi xal ma noqoto, waanu aragnay khasaaradeeda iyo dhibteeda. Somaliya waxa halkaa gaarsiiyay oo 32 sano dowladnimadeedii u la’dahay waa xabad iyo wax aan runtii laga fiirsan. Howshaan waxaa leeyahay waa laga baaqsan karay inaanay xabadi dhicin, waa laga baaqsan karay inaanay fowdo iyo masiibo ka bilaaban magaalo madaxdii Puntland, waxaa laga baaqsan karay wax kasta oo xasarad iyo dhibaato keeni karay, laakiin qaddarta Rabi cidina ma hor istaagi karto.”

Boqor Burhaan ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ugu baaqay inay ka fiirsadaan waxa dagaalka keenay, oo ah wax ka bedelka dastuurka, oo mucaaradku ay si weyn uga soo horjeedaan.

Dagaalka ayaa magaalada ka qarxay wax yar uun ka dib, markii uu furmay fadhi ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku lahaayeen xaruntooda magaalada. Xildhibaanada ayaa kulankaasi kaga doodayay soo jeedintii xukuumadda ee wax ka bedelka dastuurka. Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in 34 Xildhibaan ay haa ugu codeeyeen wax ka bedelka dastuurka, halka hal Xildhibaan uu diiday, cid ka aamustayna aysan jirin.

Inkastoo aan la ogayn khasaaraha kala gaaray ciidamadii dagaalamay, haddana inta la ogyahay waxaa dagaalkaasi ku dhintay saddex iyo toban qof oo rayid ah, halka labaatan kalena ay ku dhaawacantay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc