Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka soconaya jiidda koonfureed ee Marinka Gaza

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka soconaya jiidda koonfureed ee Marinka Gaza

by Laacib

Dagaalo culus ayaa laga soo sheegaya deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, iyadoona ay ku wada dagaalamayaan Ciidamada Israel iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel oo horaantii bishii May la wareegay gacan ku haynta bariga Rafah ayaa isku dayaya in ay isku fidiyaan bartamaha deegaankaasi.

Kooxaha wax iska caabinta ayaa sameynaya iska caabin ay dib ugu celinayaan Ciidamada Israel, oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradahooda dagaalka.

Kooxaha wax iska caabinta ee naf hurnimada sameynaya ayaa si miiganaan leh Ciidamada Israel ugu weeraraya waddooyinka, iyaga oo markaasi adeegsanaya qoryaha darandooriga u dhaca, gantaalaha garbaha laga tuuro iyo miinooyinka ay ku diyaariyeen hareeraha waddooyinka.

Kooxahan oo si daf iyo miriq ah uga soo baxa saldhigyada ay ku leeyihiin godadka dhulka hoostiisa ayaa beegsanaya Ciidamada Israel, taangiyadooda dagaalka iyo gaadiidka kale ee ay wataan.

Sidoo kale xoogaga ku hubeysan qoryaha liishaanka leh ee meelaha fog wax ka toogta ayaa dhismayaasha qaar ka soo tooganaya Ciidamada Israel.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqaymo baahsan ka gaysanaya xaafadaha Rafah, kuwaa oo mararka garaacaya dhismayaasha ay tuhunsan yihiin inay ku jiraan kooxaha wax iska caabinta.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in Rafah ay isu bedeshay furinta ugu weyn ee dagaalka haatan ka soconaya Marinka Gaza, ka dib markii Ciidamada Israel ay Jimcihii ka baxeen deegaanada waqooyi ee Gaza.

Dagaalka oo ku fidaya qaybaha Rafah ayaa inta badan dadkii rayidka ahaa ee halkaasi gabaadsanayay ku khasbay in ay isaga ka cararaan.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa Axaddii sheegtay in dadka barakacayaasha ay ka wada guureen dhammaan xarumaha ay maamusho ee ku yaala Rafah.

“Hawlgalada Ciidamada Israel awgeed, kumanaan qoys ayaa lagu khasbay inay qaxaan. Dhammaan 36 xarumood ay UNRWA ku leedahay Rafah hadda way haawanayaan.” Ayay UNRWA ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in 1.7 milyan oo dadka reer Gaza ah ay hadda barakacayaal ku yihiin deegaanka Khan Yunis iyo aagga dhexe ee Marinka Gaza.

Xaaladda nololeed ee dadka reer Gaza ayaa ka sii dartay, ka dib markii Ciidamada Israel ay 7-dii May weerarkooda ka bilaabeen deegaana Rafah, iyaga oo xanibay gargaarkii ka soo gudbayay dhanka Masar.

Ciidamada Israel ee saldhigyada ka sameystay bariga Rafah ayaa hortaagan in gargaarka aadka loogu baahan yahay uu gudaha u soo galo Marinka Gaza.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in raashiinka, shidaalka iyo sahayda dawada ay Gaza ka noqdeen, waxa loogu baahida badan yahay.

Tallaabada ay Ciidamada Israel kula wareegeen xadka Gaza iyo Masar ayaa curyaamisay goobaha caafimaadka ee dhulka la go’doomiyay. Sahayda caafimaadka ee muhiimka ah ayaysan heli karin kuwa u baahan, halka bukaanada ku jira xaaladaha degdegga ah aysan ka bixi karin Gaza, si ay u helaan caafimaad dibadda ah.

Weerarka ballaaran Israel ee Rafah ayaa kordhiyay carrada dadka gobolka iyo kuwa kale ee dunida ee ka walaacsan silica iyo darxumada ee dadka rayidka ah.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa horey uga digay in hawlgalkan militari uu uga sii dari doono uun xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Hay’adda UNRWA ayaa ka digtay inaysan shacabku haysan meel nabdoon, oo ay maanta ku badbaadi karaan, haddii ay Israel uga daba timid goobtii ugu dambeysay ay wa-xoogaa badbaado ah ku haysteen. UNRWA ayaa soo cusbooneysiisay baaqeedii ahaa in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda Gaza.

Dagaalkan ay Israel ku baahisay deegaanka ku yaala xuduudda ayaa walaaca ku kordhiyay dadka rayidka ah ee wajahaya xaaladda quusta ah.

Israel ayaa lagu eedeeyay in ay ka gudubtay khadka cas ee bani’aadantinimo, ka dib duulaankeedii Rafah iyo is hortaagga ay ku hayso gargaarka naf badbaadinta ah.

Rafah oo horey loogu aqoonsaday aag bani’aadantinimo ayaa ku taala goobta uu Marinka Gaza ka soo galo gargaarka ay hay’adaha caalamiga ah keenaan dhulka la muuqaal rogay.

Ciqaab wadareedka ka dhanka ah shacabka aan hubeysneyn ayaa ah wax ka baxsan xeerarka caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Ugu yaraan 36,439 qof oo dad rayid ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza, halka in ka badan 82,627 kalena lagu dhaawacay, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc