Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay dagaalka lagu riiqmay ee ka socda Khan Yunis

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka lagu riiqmay ee ka socda Khan Yunis

by Laacib

Ololaha militari ee Israel ayaa hadda si xoogan uga socda Marinka Gaza, gaar ahaan bartamaha iyo deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Gaza.

Israel oo dhawaan cutubyo kale oo ciidamadeeda ah soo gelisay Khan Yunis ayaa halkaasi ka wada hawlgal dhinaca dhulka ah iyo duqaymo baahsan, iyadoo duqaymahana ay yihiin kuwo si khasab ah looga barakacinayo dadka ku harsan koonfurta magaalada.

Duqaymuhu waa kuwo si aan kala sooc lahayn loogu bartilmaameedsanayo goobaha la degan yahay iyo weliba kaabeyaasha rayidka, taas oo sare u qaadday tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dadka rayidka ah.

Ciidanka Cirka Israel ayaa lagu eedeeyay inay beegsanayaan goob kasta oo ay u arkaan inay gabaad ka dhiganayaan dadka masaakiinta ah, oo ay ku dirqinayaan in ay gaaraan deegaanka jiidda koonfureen ee Gaza ku yaala ee Rafah, oo dhaca xadka Gaza iyo Masar.

Shacabka Gaza ayaa dareemaya inaysan jirin meel ammaan ah, waana xilli goobihii la faray inay taggaan ay duqaymuhu ka socdaan.

Ciidanka Difaaca Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa iska caabin xoog leh kala kulmaya xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee dadaalka ugu jira inay difaacaan Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Guutooyinka Kumaandooska ee Maglan, Egoz iyo Duvdevan ee ka tirsan Militariga Israel dib looga riixay goobo ay dagaalka ku qabsadeen.

Wararka laga helayo Khan Yunis ayaa sheegaya in Militariga Israel ay ku sugan yihiin waqooyiga iyo bariga Khan Yunis, ayna ku adkaatay in ay foodda geliyaan bartamaha Khan Yunis.

Ciidamada Israel ayay xujo ku noqotay, sidii ay ku gaari lahaayeen aagga dhexe ee Khan Yunis, oo la sheegayo in Ururka Xamaas ay ku leeyihiin godad dhulka hoostiis ah iyo Israel oo tuhunsan in halkaasi uu ku sugan yahay Gudoomiyaha Marinka Gaza, Yahya Sinwar.

Dadka ku go’doonsan aagagga dagaalka ayaa soo sheegaya in dagaal lagu riiqmay uu ka socdo bariga Khan Yunis, isla-markaana uu dagaalku u muuqdo mid jug jug meeshaada joog ah.

Xoogaga wax iska caabinta ayuu dagaalkoodu yahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyagoo aan si toos ah dagaal ugu la jirin Ciidamada Israel, sababo ku aaddan iyagoo ka baxsanaya weerarada xagga cirka ah.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa in xoogaga wax iska caabinta ay iska soo abaabulayaan godadka ay ku leeyihiin dhulka hoose, isla-markaana ay si kedis ah ay waxyeelo ugu gaysanayaan Ciidamada Israel, una burburinayaan gaadiidkooda dagaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mar walba oo guuxa diyaaradaha dagaalka ay yaraadaan inay Ciidamada Israel la kulmayaan weeraro lagu dhiig bixinayo.

Taliska Militariga Israel ayaa si joogto ah u bedela istiraatiijiyadooda dagaalka, mar kasta oo ay garowsadaan inaanay shaqeynayn habka ay ciidamadoodu ku dagaal gelayaan.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay inaysan ciidamadoodu u diyaarsanayn dagaalka magaalooyinka, sida kan haatan ka socdo Gaza.

Warbaahinta Israel waxay sheegtay in ciidamadu ay khasaare xoog leh kala kulmayaan dagaalka 93-ka maalmood ka socda Marinka Gaza, isla-markaana ay isa soo tareyso meydadka iyo dhaawacyada askarta ee la keenayo Magaalooyinka Israel.

Iyadoo Warbaahinta Israel ay qireyso in ciidamada ay khasaare lixaad leh kala kulmayaan dagaalkan, haddana Taliska Militariga Israel ayaan si sax ah u sheegin khasaaraha askartooda.

Masuuliyiin horey xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka iyo ciidamada ayaa sheegay in waxa dadka loo sheegayo iyo xaqiiqada jirtaahi ay aad u kala fog yihiin. Masuuliyiintan ayaa Tel Aviv ku eedeeyay inay qarineyso xogta khasaaraha ciidanka.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo gadaal ka riixaya colaadda Gaza ayaa sheegaya inaanay joojin doonin dagaalka, isla-markaana uu dagaalku sii socon doono, billaha soo socda.

Ma cadda illaa iyo inta ay Ciidamada Israel ka dagaalami doonaan dhulka go’doonsan, xilligan oo cududooda ay isugu geeyeen, sidii ay u qabsan lahaayeen koonfurta Gaza, gaar ahaan Khan Yunis.

General Shlomo Brom oo horey u qaabilsanaa qorsheynta istiraatiijiyadda dagaalka ee Militariga Israel ayaa sheegay in laga yaabo in Israel ay wax ka bedesho qorshaheeda dagaalka, si ay u gaarto hadafkeeda dagaalka ee saddexda ujeeddo leh.

Madaxda Israel ayaa yoolkooda dagaalka ku sheegay burburinta Xamaas, in la soo furto dadka looga haysto Marinka Gaza iyo in Gaza ay noqoto meel aan mustaqbalka khatar amni ku ahayn Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc