Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka qaraar ee ka dhacay Xerada Gariley

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka qaraar ee ka dhacay Xerada Gariley

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Gariley ee Koonfurta Gobolka Gedo.

Maleeshiyada Al Shabaab oo maalmihii ugu dambeysay isku uruursanayay waddada ka timaada dhanka deegaanka Faafaaxdhuun ee soo gasha Gariley ayaa barqanimadii maanta dhowr jiho ka weeraray Xerada Gariley, oo daba-yaaqadii bishii June ay banneeyeen Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Wararka ayaa sheegaya bilowgiiba in Shabaabku ay ka soo gudbeen difaaca hore ee ciidamadu ka ilaalinayeen deegaanka ee xigga dhanka Faafaaxdhuun, oo 80km u jirta Degmada Baardheere.

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa la sheegay inay isaga baxeen xeradaasi, ka dib culeys weyn oo ka soo fuulay Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad xoog leh oo ciidamada meelo kala duwan uga yimid ay suurtagelisay in Shabaabka dib looga saaro deegaankaasi.

Aadan Xaashi Maxamuud oo ka mid ah dadka reer Gariley ayaa Dhacdo.com u sheegay in dagaalku uu soo gaaray illaa caawa fiidkii, ugu dambayna ay hadda deegaanka gacanta ku hayaan ciidamada.

Aadan Xaashi ayaa sheegaya in uu jiro khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray, isagoo intaa ku daray inaanay hadda jirin cid si sax ah u sheegi karta inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhaawacyada askarta loo qaaday Degmada Ceelwaaq, halkaas oo saldhig weyn iyo xarun caafimaad ay ku leeyihiin Ciidanka ATMIS ee ka socda dalka Kenya.

Salaan Cabdullaahi Cagey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Gariley ayaa BBC u sheegay in ay jab xoogan u gaysteen kooxaha argagixisada.

“Khasaare badan ayaa jira, koley waa meel uu dagaal ka dhacay, dad shacab ahna way ku dhinteen, ayagana way ku dhammaadeen, guryo badana way burbureen, haddana annaga ayaa ku sugan.” Ayuu yiri Salaan Cabdullaahi.

Dhanka kale dadka deegaanka oo maalmo ka hor bilaabay in ay guryahooda isaga barakacaan ayaa la sheegaya in intooda badan ay maanta ka baxeen deegaanka, ayna gaarayaan tuulooyinka ku dhow dhow deegaankaasi.

Gariley oo hoostagto Degmada Ceelwaaq ayaa ku taala goob istiraatiiji ah, kuna dhow xadka Somaliya la wadaagto Kenya, waxaana la tilmaamaa in 12km oo keliya u jirto xuduudda.

4-tii bishan ayay sidaan oo kale mintidiinta Al Shabaab u soo weerareen xeradaasi, inkastoo markaasi ay ku guuldareysteen inay la wareegaan.

Militariga Kenya ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa Xerada Gariley, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Xeradan ayaa ka mid ah illaa toddobo saldhig oo dhammaadkii bishii June ay isaga baxeen Militariga ATMIS.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc