Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Suudaan oo xoogiisa u wareegay Magaalada El Fasher

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Suudaan oo xoogiisa u wareegay Magaalada El Fasher

by Laacib

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay dagaalka ka socdo Gobolka Galbeedka Suudaan ee Darfur, oo u muuqdo mid ku sii fidaya gudaha Magaalada El Fasher.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidanka Militariga Suudaan iyo Xoogaga Gurmadka Degdegga ee RSF, oo sanadkii labaad ku dagaalamaya dalkaasi.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Xoogaga Gurmadka Degdegga ay hareereeyeen Magaalada El Fasher, isla-markaana ay abaabulayaan weerar ballaaran, oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan gacan ku haynta magaaladaasi.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ka digay in dhinacyada Suudaan ay dhibaato u gaystaan sideed boqol oo kun (800,000) oo qof oo ku nool duleedyada magaaladaasi. Gudaha magaalada ayaana la qiyaasaa in ay ku nool yihiin laba milyan oo qof, kuwaa oo ay ku jiraan haaf milyan qof oo barakacayaal gudaha ah.

António Guterres ayaa bayaan ku sheegay in ugu yaraan 43 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur lagu dilay dagaalka ka sii socdo Gobolka Darfur, ka dib markii Xoogaga RSF iyo maleeshiyada taageeraya ay 14-kii bishan bilaabeen gulufka ballaaran ee ay doonayaan inay kula waregaan magaaladan, oo ah tii ugu dambeysay gobolkaasi ee ay ku xoogan yihiin Ciidamada Militariga.

Xoogaga RSF iyo xulafadooda ayaa sanadkii hore la wareegay afar magaalo oo kale oo ku yaala gobolkaasi, waxaana lagu eedeeyay in ay gobolka ka gaysteen xasuuq ka dhan ah qowmiyadaha aan Carabta ahayn iyo xadgudubyada kale ee ka dhacay gobolka.

Bayaanka António Guterres ayaa lagu sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suudaan, Ramtane Lamamra uu dhinacyada dalkaasi kala shaqeynayo, sidii hoos loogu dhigi lahaa xiisadda ka taagan El Fasher.

Qaramada Midoobey ayaa haatan u muuqato mid dadaal badani ku bixineysa, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka aloosan magaaladii ugu dambeysay Gobolka Darfur ee ka maqan gacanta Xoogaga RSF.

Dadka ku go’doonsan aagagga la isku horfadhiyo ayaa ka baqdin qaba in la dilo, haddii ay isku dayaan in ay colaadda ka baxsadaan.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Ciidamada Militariga Suudaan iyo Xoogaga RSF ku booriyay inay dadka rayidka ah u ogolaadaan inay si badbaado leh ugu gudbaan meelaha kale, isla-markaana ay ogolaadaan in garagarka bani’aadantinimo uu si caqabad la’aan ah u gaaro dadka u baahan.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa labada dhinac ka codsaday inay joojiyaan dagaalka ka socdo daafaha magaalada, lagana baaqsado wax kasta oo xaaladda uga sii dari kara.

Dunida ayaa ka walaacsan warbixinada isa soo taraya ee ku aaddan dhacdooyinka naxdinta leh ee laga soo sheegayo daafaha Magaalada El Fasher, oo markii horeba halis ugu jirtay macluul.

Dagaalkan ayaa ah mid u dhaxeeya Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo, kuwaa oo ku dagaalama awoodda dalka.

Labada janan ee ugu awoodda badan ciidamada dalkaasi ayaan muujin inay diyaar u yihiin in colaadda la soo afjaro, balse taasi bedelkeeda ay abuurayaan qalalaaso ay xaaladda uga sii darayaan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan afar iyo toban kun (14,000) oo qof, halka tobanaan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Inta la diiwaangeliyay 8.4 milyan oo qof ayaa barakac uga maqan guryahooda, tan iyo markii dagaalku uu 15-kii bishii April ee sanadkii hore uu ka qarxay Caasimadda Khartoum, balse markii dambe ku fiday dalka intiisa kale.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 25 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc