Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Xoogaga Xamaas iyo Ciidamada Israel

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Xoogaga Xamaas iyo Ciidamada Israel

by Laacib

Dagaalo culus ayaa la soo sheegaya in weli ay ka socdaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza, iyadoo Ciidamada Israel aanay horumar muuqdo ka sameynin furimaha hore.

Ciidamada Israel oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradahooda dagaalka ayaa isku dayaya in ay ka gudbaan aagagga ay ka dagaalamayaan xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisu uu ka socdo Shejaiya, Jabalia iyo Khan Yunis oo ku taala koonfurta Gaza.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Militariga Israel ay qaarkood ku go’doonsan yihiin bartamaha iyo waqooyiga Gaza.

Xoogaga Xamaas ayaa Arbacadii jidka u galay ciidamo doonayay in ay soo samatabixiyaan ciidamada kale ee lagu hareereeyay deegaanka Shejaiya ee waqooyiga Gaza. Xamaas ayaana ciidamadaasi ku khasabtay in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo dhaqaaqeen.

Dadka ka baxsanaya duqaymaha ayaa sheegaya in Militariga Israel ay u muuqdaan kuwo ballaariyay duqaymaha ay ka gaysanayaan waqooyiga iyo koonfurta magaalada.

Taliska Militariga Israel Israel ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay in ka badan 250 bartilmaameed ay ka fuliyeen labada daamood ee Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ay si xowli ah u kordheyso tirada dadka rayidka ah ee ku dhimanaya weerarada Israel. Waxay sheegtay in 18,606 qof ay dhinteen, tan iyo markii Israel ay bilowday weeraradeeda Gaza.

Wasaaraddu waxay kaloo ay sheegtay in tallaalkii carruurta uu ka dhammaaday Gaza, waxayna codsatay in agabkaasi la soo gaarsiiyo magaalada.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka deyrinaysa xaaladda caafimaadka ee Marinka Gaza, iyadoona ka digtay masiibo caafimaad.

Boqolkiiba shan iyo sideetan (85%) oo u dhiganta hal dhibic sagaal milyan (1.9M) oo dadka reer Gaza ah ayaa ku barakacay dagaalada ka socda magaalada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Inta badan guryihii la deganaa iyo xarumaha danta guud ayaa ku burburay duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel ka waddo magaalada.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in dagaalku uu u muuqdo mid sii daba dheeraan doona.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay in dagaalkan uu noqon doono bar dhammaadkii Ururka Xamaas.

Dhibaatada bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza ayaa dhalisay carro caalami ah, iyadoo Mareykanka uu marar badan Israel ugu baaqay in ay qaaddo tallaabooyin ay ku ilaalineyso dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka, waana xilli Mareykanku uu hor istaagay baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo xabad joointa, isla-markaana uu Israel u diray hubkan ay maatida ku leynayso.

Madaxweyne Joe Biden ayaa hadda la sheegaya in uu Netanyahu ku cadaadinayo in Tel Aviv ay ku laabato miiska wada hadalka, si iyagoo badqaba Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza dib loogu soo celiyo guryahooda, colaadana loo soo afjaro.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc