Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo ka dhacay Gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo ka dhacay Gobolka Mudug

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Macawiisleyda ayaa hawgal dhowr jiho leh ka wada koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa ku sii siqaya deegaanka Caad, oo Shabaabku ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee gobolka, marka laga soo taggo deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay dagaalo culus ku qabsadeen tuulooyinka Baraag Ismaaciil iyo Tabarmoog, iyadoo Shabaabku ay qarax la eegteen gaari Cabdi Bille ahaa oo ciidamadu ay wateen.

Ciidamada oo xoog kaga gudbay barrihii ay Shabaabku ka dagaalamayeen ayaa gaaray tuulada Baraag Hurdaaye, oo dhanka koonfureed kaga beegan deegaanka Caad, waxaana mar kale halkaasi ku qabsaday dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Shabaabka oo Baraag Hurdaaye ku lahaa mid ka mid ah goobaha ay ka difaacayaan Caad ayaa halkaasi dagaal faraha looga gubtay kula galay Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in dagaalka tuulada Baraag Hurdaaye ay ciidamadu ku dileen 50 ka mid ah kooxaha argagixisada.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay sidoo kale burburiyeen fariisimo ay Shabaabku ku lahaayeen tuuladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay duqayn is xigxigtay ka dhacday tuulada Jeexjeexa, oo ku taala inta u dhaxeyso Caad iyo Cadaley, halkaas oo hawdka ku yaala ay Shabaabku difaac kaga jiraan.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in weerarka xagga cirka ee ka dhacay Jeexjeexa uu ahaa mid lagaga hortaggayay Shabaab uu sheegay in halkaasi isku uruursanayeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay isku dayayaan in ay hakiyeen ciidamada jihooyinka kala duwan kaga sii siqaya Caad.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle oo maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa gobolkaasi ayaa sheegay in hawlgalku uu si dardar leh uga socdo furimaha koonfureed ee gobolka.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo isna la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in hawlgalkan lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad fara-badan oo ka tirsan Al Shabaab.

Masuuliyiinta Galmudug ayaa sheegaya in bar dhammaadka dagaalkan uu noqon doono gobolka oo gebi ahaanba xor ka ah kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc