Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay dembiyada ka dhacaya Gaza

Wararkii ugu dambeeyay dembiyada ka dhacaya Gaza

by Laacib

Wararka ka imaanaya Marinka Gaza ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay Jimcahan halkaasi ka wadaan duqaymo aanay u meel dayeynin.

Ciidamada Israel ayaa mar kale garaacay agagaarka Isbitaalka Al-Amal ee koonfurta Marinka Gaza, iyagoo argagax-gelin ku haya dadka rayidka ah ee halkaasi gabaadka ka dhiganaya.

Isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Khan Yunis ayaa xarun u ah Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta, waxaana ku soo barakacay dad guryahooda looga soo saaray duqaymaha baahsan ee Israel. Duqaymahan oo ah kuwo si khasab ah rayidka looga saarayo isbitaalkaasi ayaana ku soo noqnoqday isbitaalka ay maamusho Bisha Cas.

Sidoo kale duqaymo culus ayaa laga soo sheegaya in Ciidamada Israel ay ka wadaan bartamaha Marinka Gaza, gaar ahaan xaafadda Deir el-Balah.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in duqaynta xoogeedu ay ka socoto dhismayaal la degan yahay oo ku yaala xeryaha qaxootiga ee Nuseirat, Maghazi iyo Bureij, waana duqayn kale oo dadka looga rarayo bartamaha Gaza.

Ciidamada Israel oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa isku dayaya in ay isku fidiyaan min aagga dhexe ee Gaza illaa xaafadda Az-Zawaida.

Militariga ayaa la sheegay in yoolkoodu uu yahay in ay kala jaraan isu socodka Az-Zawayda illaa xerada qaxootiga ee Nuseirat, oo ah meel ay dadku ku badan yihiin. Boqolaal kun oo qof ayaa halkaas soo degay, bacdamaa aysan jirin meel kale oo ay aadaan amaba aysan haysan goob kaloo ay naf bidaan.

Carolina Lopez, oo ah Iskuduwaha Gargaarka Degdegga ah ee Hay’adda MSF ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay xitaa garaacayaan xaafadaha la degan yahay ee ku yaala hareeraha Isbitaalka Al-Aqsa ee bartamaha Gaza.

Isbitaalka Al-Aqsa waa kan keliya ee hadda ka shaqeeya Deir el-Balah. Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ay bartilmaameedsadeen xarunta qura ee caafimaad ee ku taala xaafadda Deir el-Balah.

Ciidamada Israel ayaa saacadihii la soo dhaafay duqeeyay buundada isku xirta jiidda koonfureed ee Gaza illaa bartamaha. Taliska Militariga Israel ayaa goor sii horreysay sheegay in buundadaasi ay adeegsan karaan dadka la faray inay u guuraan dhanka deegaanka Rafah ee ku yaala xadka Gaza iyo Masar. Taliska ayaa sidoo kale hay’adaha gargaarka u sheegay inay isticmaalaan waddadaasi, oo ay ku sheegeen meel ay u adeegsan karaan howlaha gurmadka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay maanta isaga baxeen xaafadaha Al-Daraj iyo Tuffah ee bariga magaalada. Al-Daraj iyo Tuffah waa laba ka mid ah saddexda qaybood ee darbiga ah ee Gaza, tan saddexaadna waa xaafadda Zeitoun.

Dadka rayidka ah ee halkaasi ku harsan ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in markii ay soo baxayeen ay gaadiidkooda cagaf-cagafta ah dulmariyeen khabuuraha halkaasi ku yaala, ayna soo faageen meydadkii dhawaan la aasay.

Dhacdada kale ee naxdinta leh ayaa ah in Ciidamada Israel ay waddada xeebta ah ee Al-Rasheed ku toogteen dad adeegsanayay waddadaasi, si ay u aadaan jiidda koonfureed ee Gaza. Waddada ay dadka barakacayay ku dhibaateeyeen ayaa ah waddo ay Israel sheegtay in loo adeegsan karo marin bani’aadantinimo.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ay jiraan dad badan oo jeclaan lahaa inay taggaan meelaha lagu wargeliyay inay u barakacaan, laakiin hubinti la’aanta jirta ay ka dhigeyso in aanay ku kadoomin wararka aan la isku haleen karin ee Militariga Israel, ayna maciin bidaan goobaha ay iyagu u arkaan inay ku badbaadi karaan.

Marinka Gaza kama jirto meel nabdoon oo dadku ku nabad geli karaan, sida uu sheegay Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ee MSF, waxaa intaasi u dheer cunto la’aanta, sahayda dawada ee gabaabsiga ka sii ah goobaha caafimaadka, shidaalka la hortaagan yahay, adeegyadii biyaha iyo korontada oo kol hore laga jaray dadka deegaanka, waana ciqaab wadareed ay Qaramada Midoobey ku sheegtay wax u dhigma dembi dagaal.

Sanadka cusub ayaa curtay, iyadoo Israel ay sii waddo dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc