Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dhacdooyinka xasuuqa ee ka dhacay Marinka Gaza

Wararkii ugu dambeeyay dhacdooyinka xasuuqa ee ka dhacay Marinka Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si bareer ah dadka rayidka ah ugu leynayaan qaybaha kala duwan ee Marinka Gaza.

Wararka ka imaanaya deegaanka koonfurta Gaza ku yaala ee Khan Yunis ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ee wax toogta ay toogasho u gaysanayaan dadka rayidka ah ee isaga baxsanaya Isbitaalka Al-Amal.

Isbitaalkan ayaa xarun u ah Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta, waxaana ku soo barakacay dad guryahooda looga soo saaray duqaymaha baahsan ee Israel.

Isbitaalka ayaa dadkii gabaadka ka dhiganayay mar kale lagu khasbay inay barakacaan, ka dib markii ay kordheen duqaymaha ay diyaaradaha Israel ka gaysanayaan agagaarkiisa.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in isbitaalkan oo ay maamusho Hay’adda Bisha Cas uu hadda u muuqdo mid la hareereeyay.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Israel duqaymaheeda ku dishay 183 qof oo shacab ah, halka 377 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Gumeystaha 19 dhacdo oo dad rayid ah lagu laayay ayuu ka gaystay Marinka Gaza, iyada oo 24-kii saac ee ugu dambeysay ay shahiideen 183 qof, 377 kalena ay dhaawacmeen.” Ayaa lagu yiri bayaan ay Jimcahan soo saartay wasaaraddu.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Dad badan ayaa weli ku xayiran burburka iyo waddooyinka, iyadoo samatabixiyeyaashu ay awoodi waayeen inay gaaraan.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in tirada guud ee dadka rayidka ah ee la dilay, tan iyo markii ay colaadda bilaabatay ay gaartay 26,083 qof, dadka dhaawawacmayna ay ka badan yihiin 64,487 qof.

Weerarada naxariis darada Israel ee sii socda ayaa dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ka dhigtay mid aad u sarreyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc