Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka jira Gobolada Dhexe

Wararkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka jira Gobolada Dhexe

by Laacib

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa hadda u muuqdo kuwo soo geba-gabeeyay abaabulkii iyo diyaararowgii ciidan ee ka jiray deegaanada Galmudug.

Ciidamadii ugu dambeeyay ee loo qorsheeyay inay ka qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa shalay illaa xalay gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogag deegaanka ah oo la abaabulay ayaa qayb ka ah gulufka ku wajahan Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamadu waxay kaloo ka qayb qaadan doonaan qorshaha lagu xasillinayo dhulka miyiga, iyagoo markaasi la hawlgeli doona Macawiisleyda muddooyinkii ugu dambeysay lagu diyaarinayay gobolka.

Saraakiisha Militariga ayaa ugu talagalay in ciidamadu aanay Shabaabku wax fursad ahi u siinin in ay dib iska soo abaabulaan, weerarana aanay uga gaysan goobaha la xoreeyay.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda diiradda saaraya, sidii ay ciidamadu u qaban lahaayeen Magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada kale ee ay maleeshiyada Al Shabaab kaga harsan yihiin bariga gobolkaasi.

Hawlgalkan ayaa barbar socon doono midka kale ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ku xoreynayaan deegaanada dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Dhanka kale Ciidamada Militariga ayaa la soo sheegaya in dhaqdhaqaaq xoog leh ay ka wadaan xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Tani ayaa looga gol leeyahay in lagu go’doomiyo Shabaabka Galmudug, si looga jaro gurmadka uga iman kara dhanka Gobolada Koonfureed.

Sidoo kale Taliska Qaybta 21aad ayaa doonaya in ciidamadu ay si buuxdo uga hortaggaan in firxadka mintidiinta Al Shabaab ay gaaraan Gobolada Koonfurta.

Dhuusamareeb oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah taliska hawlgaladan ka bilaabanaya deegaanada Galmudug.

Diyaaradaha saaxiibada caalamiga ayaa la fahamsan yahay in ay u diyaarsan yihiin inay ciidamada ka taageeraan, sidii ay uga gudbi lahaayeen difaacyada loo arko in Shabaabku ay nafta duldhigeen, si aan looga gudban.

Saraakiisha Turkiga iyo Mareykanka ee dalka ka hawlgala ayaa sidoo kale bartilmaameedyo ka gaysan doona goobaha la soo sheego in kooxaha argagixisada isku uruursanayaan.

Sida uu qorshuhu yahay marka lagu kala baxo hawlgalka deegaanada Galmudug, ciidamada ayaa kulaali doona dhulka ay Shabaabku kaga sii harsan yihiin dhanka galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle.

Hawlgalka laga fulin doono daanta galbeed ee Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa noqon doono, mar la wiiqay cududdii Shabaabka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb saldhig uga dhigtay, sidii loo soo afjari lahaa waayihii Al Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu ballaarnaa ay ciidamadu ka fuliyaan dalka, ku dhawaad lix iyo toban sano oo Shabaabku dalka ka dagaalamayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc