Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka jira Gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka jira Gobolka Mudug

by Laacib

Dhaqaaq ciidan ayaa laga soo sheegaya Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo daaran hawlgalka militari ee maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidan xoog leh oo ka ambabaxay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ay ku sii jeedaan Degmada Wisil. Ciidamada ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay gaareen degmadaasi.

Ciidamadan oo u badan kuwa deegaanka ee la abaabulay ayaa la doonaya in ay ka qayb qaataan gulufka lagu xoreynayo deegaanada Bacaadweyne iyo Shabellow.

Wisil waxaa horey ugu sugnaa ciidan xoog leh, oo isugu jira Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay, oo qayb ka ah Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayuu qorshuhu yahay in ay la hawlgalaan ciidan kale, oo ka soo socda dhanka Degmada Xarardheere. Labada ciidan ayaa loo qorsheeyay in ay qabtaan deegaano ay ka mid yihiin Dhalwo, Ceel Cabdi, Qaycad (Qeecad), Qodqod, Caad, Cammaara, Dabagalo iyo Dumaaye.

Ciidamada ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere ayaa hawlgalo ka wada tuulooyinka ku dhow dhow deegaanka Jowle, oo hoostagga degmadaasi. Ciidamadan ayayna tahay in maleeshiyada Shabaabka ka saaraan deegaanka Jowle, oo xiriiriya Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo, oo muddo dheer ay gacanta ku hayeen.

Jowle oo dhacda goob istiraatiiji ah ayaa muhiim u ah hawlgalka la isugu furayo Xarardheere, Cadaado, Ceelbuur, Ceeldheer iyo Galhareeri.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale, oo isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug oo maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ku sii jeedaan Degmada Wisil.

Wasiir Fiqi ayaa Gaalkacyo ka waday abaabulka iyo diyaarinta ciidan loogu talagalay in ay gacan ka gaystaan hawlgalka dib-u-xoreynta ee deegaanada Galmudug.

Wisil ayaa xudun u noqon doonto hawlgalka ballaaran ay ciidamadu ka sameynayaan Koonfurta Gobolka Mudug.

Inkastoo uu dib-u-dhac hareeyay hawlgalka militari ee gobolkaasi, haddana ciidamada ayay tahay inay geed geed u xaqiijiyaan amniga goobaha laga saarayo kooxaha argagixisada.

Hawlgalkan oo ka duwan kuwii horey dalka looga samayn jiray ayaa lagu sheegay sifeyn iyo ciribtir lagu soo afjarayo waayihii Al Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Shabaabka ayaa muddo shan iyo toban sano ah ka hawlgalayay qaybo badan oo ka mid ah Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Barnaamijka degsan ayaa ah in marka hore ciidamadu ay naafeeyaan Shabaabka Galmudug, marka xigtana ay wiiqaan Shabaabka kale ee ka hawlgala daanta galbeed ee Hirshabelle.

Villa Somalia ayaa wixii itaal iyo tamar ay lahayd isugu gaysay Gobolada Dhexe, si cagta loo mariyo Shabaabka ka dagaalama bartamaha dalka

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc