Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dhismaha sagaalka dabaq ee ku dumay Muqdisho (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay dhismaha sagaalka dabaq ee ku dumay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laamaha amniga ay dhowr qof u soo xireen laba dhisme oo xalay ku dumay Magaalada Muqdisho.

Dhisme ka koobnaa sagaal dabaq ayaa sida la sheegay ku soo dumay dhisme kale oo afar dabaq ahaa, kaas oo isna ku dumay guri villa ahaa oo qoys deganaayeen.

Dhismayaashan ayaa ku yaala agagaarka Carwo Liimo ee dhabarka dambe ee Suuqa Bakaaraha. Dhawaan ayaa la sheegay in dhismahooda la dhameystiray, isla-markaana aanay weli cidina deganayn.

Saddex qof oo dumar ahaa oo ay ku jiraan gabar iyo hooyadeed ayaa illaa iyo hadda la ogyahay in ay burburka dhismaha ku dhinteen, waana qoyskii deganaa guriga ku hoos yiilay dhismayaasha dumay.

Waxaa jira tuhun badan oo laga muujinayo tayada qalabkii loo adeegsaday dhismaha labadaasi dabaq, taas oo keentay in ciidanka amniga ay u soo xiraan injineeradii dhistay.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo booqday goobta ay ku yaallaan dhismayaasha burburay ayaa Saraakiisha Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda faray in si degdeg ah u baaraan sababta ka dambeysa in labadaasi dabaq soo dumaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Salaax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ay soo xireen afar injineer, oo sida uu sheegay dhisay labada guri ee dumista bilaabay.

Afhayeenka ayaa sheegaya in xubnahaasi ay hadda ku xiran yihiin Saldhigga Booliska Degmada Howlwadaag, baaritaana uu ku socdo.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Duqa Muqdisho uu dhacdadaasi u xilsaaray guddi warbixin dhameystiran ka keena sida uu yiri qaabka dhismahaasi u socday, injineerada dhistay iyo sida uu ahaa tayada dhismaha.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen milkiilaha guriga sagaalka dabaq ee dumay.

Ehelada dhibaneyaasha ayaa codsanaya caddaalad iyo inay helaan magdhowga gurigii qoyska deganaayeen ee burburay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc