Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay diyaargarowga ciidan ee ka jira Dhuusamareeb

Wararkii ugu dambeeyay diyaargarowga ciidan ee ka jira Dhuusamareeb

by Laacib

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in diyaargarowgii ugu dambeeyay uu ka socdo magaaladaasi, ee la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanada Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa diyaargarowgooda laga dareemaya xeryaha ciidamada ee ku yaala duleedyada magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidamada ayaa la sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ay isu weydaaranayeen xeryaha ciidamada, iyagoo markaasi dhameystiraya saadka iyo sahayda ciidamada u diyaarka ah hawlgalka.

Dhuusamareeb oo saldhig u ah gulufka ka bilaabanaya Gobolada Dhexe ayaa la sheegaya in ay ku diyaarsan yihiin in ka badan shan kun (5,000) oo askari, oo isugu jira Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay.

Ciidamadan oo dhanka cirka ay ka taageeri doonaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa lagu wadaa in dhowr jiho ay kaga dhaqaaqaan Magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada kale ee hoostagga.

Ciidamadu waxaa la sheegaya in ay garab socon doonaan ciidamada kale ee loo diyaariyay in ay qabtaan Koonfurta Gobolka Mudug, waana hawlgalka safka ballaaran ee qorshuhu yahay in lagu soo afjaro waayihii Shabaabka Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo 5-tii bishan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi kala socon doona gulufka lagu dhiig bixinayo Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ah kan ay ka karaar qaadanayaan dadka reer Galmudug, isagoona noqday tamar ay u baahnaayeen, si cadowgaasi daashaday ay isaga dulqaadaan.

Madaxweynaha ayaa bulshada deegaanka ku dhiirigeliyay in ay isaga filan yihiin Shabaabka ku soo duulay dhulkooda, isla-markaana si joogto ah u booba hantidooda, una dhibaateeya dadkooda, kaasoo welibana ka hortaagan mashaariicdii horumarineed ee xaqa u lahaayeen in deegaanadooda laga hirgeliyo.

Reer Galmudug oo hadda qaba baraarujin iyo wacyigelin in ku filan, oo ah inaanay wax asxaan ahi kala dhaxeynin kooxaha argagixisada ayaa diyaar u ah in si buuxdo ay uga saaraan dhulkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Galmudug u muujiyay in qaranku garab taagan yahay, balse looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan dagaalkan dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Shabaab oo lagu tilmaamo colka keliya ee maanta dadka Soomaaliyeed leeyihiin ayaa dareemaya baaxadda culeyska weyn ee xilligan ka soo fuulay Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc